Ciidanka S/land iyo dadweyne careysan oo saaka fooda is daray mar kale

December 7, 2012 - Written by

Hargeysa:-War haatan naga soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta S/land ayaa sheegaya in ciidamada Booliska iyo dadweyne careysan ay mar kale isku dhaceen saaka waxaana ay rabshaduhu ka socdaan Degmada Ahmed Dhagax oo ay ku badan yihiin taageerayaasha Xisbiga Xaqsoor.

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xisbiga Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ,Suldaan Bare Xaji Xusen iyo xubo ka tirsan Xisbiga Xaqsoor ayaa dadweyne badan kula hadlay Garoonka kubada Cagta ee Hargeysa Stadium iyaga oo dhaliilay natiijada ka soo baxday doorashooyinka golaha deegaanka ee xalay lagu dhawaaqay waxayna sheegeen in lagu shubtay oo la musuqmaasuqay waxayna ugu baaqeeen taageerayaashooda in aan wax rabshado ah aan la sameyn lana ilaaliyo amaanka magaalada Hargyesa.

Ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysa oo ay kaabayaan kuwa Madaxtooyada ayaa rasaas ku kala eryaya dadweynaha careysan ee banaanbaxa ka dhigaya Degmada Ahmed Dhagax .

Banaanbaxan oo xalay bilaawday ayaa ilaa haatan waxaa ku dhintay hal wiil oo dhalinyaro ah oo magaciisa la yiraahdo Ridwaan aadan Xasan waxaana ku dhaawacmay 6 kale oo ay qof dumar ah ku jirto.

Ciidamada amaanka ee magaalada Hargesa ayaa  diidan in banaanbaxyada ka socda Degmada Ahmed Dhagax ay ku soo faafaan xaafadaha kale ee magaalada Hargeysa kuwaas oo ay ka socdaan dabaaldeg ay wadaan xisbiyada helay codadka badan.

Xisbiyada ka dhisan S/land ayaa waxay ku dhisan yihiin qaab beeleed waxaana Cuqaasha iyo waxgaradka S/land ay ka digeen in wax loo dhimo nabada iyo xasiloonida ka jirta S/land .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online