C/laahi (Gaal-dile) oo ka tirsan ciidanka Amaanka ee gobalka Nugaal oo Garoowe lagu dilay

December 23, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa caawo lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlada Puntland  C/laahi Xuseen (Gaal-dile) oo ka tirsanaa ciidanka Amaanka ee Gobolka Nugaal waxaana dilka uu dhacay agagaarka Masaajidka Al-Raxma xili  uu ka soo baxay salaadii Cishe.

Dilka Marxuum C/laahi Xuseen (Gaal-dile) ayaa waxaa geystay nin ku hubeysay bastoolad waxaana uu ka baxsaday goobta markii uu dilka geystay goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamada amaanka ee magaalada Garoowe waxayna baaritaano ka wadaan halka uu dilku ka dhacay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhowr qof ay ciidanka amaanka ee magaalada Garoowe gacanta ku dhigeen kuwaas oo laga qabtay halka uu dilku ka dhacay.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Maamulka gobalka Nugaal oo ka hadlay dilka caawa ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online