Dad loo qabtay qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi

December 17, 2012 - Written by

Nairobi:-Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa waxaa qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ay u xireen ilaa 8-da qof oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yemen iyo nin Soomaali ah oo masuul ka ahaa guriga laga soo qabtay nimanka la xiray. Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa 8-da qof ee Yemeniinta ah waxaa ay ka soo qabteen guri ku dhow goobta qaraxu ka dhacay oo ku dhow Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi.

Taliyaha ciidanka Booliska ee Nairobi Moses Ombati oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay jiraan 9 qof oo loo qabtay qaraxii xalay ka dhacay Xaafadda Eastleigh ayna ciidanku ay su,aalo weydiinayaan. Taliyaha ciidanka Booliska ee Nairobi Moses Ombati ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ciidanka Booliska ee dalka Kenya ay sugi doonaa amaanka Xaafadda Eastleigh oo ay ka dhaceen qaraxyo dhowr ah.

Xalay ayaa qarax waxaa lala eegtay Baar lagu cabo khamriga oo ku yaal dhabarka danbe ee Masjidka Al-hidaaya waxaan qaraxaas ku dhaawacmay ilaa 2 qof. Xaafadda Eastleigh oo ay degan yihiin Soomaalida kuna haystaan ganacsi fara badan ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo  dilal iyo xadgudubyo loo geysanayo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee ganacsiga ku haystay magaalooyinka Nairobi iyo Gaarisa.

C/casiis Maxamed
Nairobi,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online