Dagaal beeleed ka dhacay tuulada Mareer iyo Ururka Al-Shabaab oo ciidan u diray

December 1, 2012 - Written by

Galgaduud:-Wararka naga soo gaaray gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray laba maleeshiyo oo ka soo kala jeeda deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado ka dib markii ay isku qabsadeen baraago biyaha laga cabbo oo la sheegay in murankooda uu socday in mudo ah la aasay.

Dagaalka dhexmaray labada beel ee walaalaha ah ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen ku dhawaad 5 qof tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay tuulada Mareer oo qiyaastii 100 km u jirta magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud..

Odayaal iyo Nabadoono ka soo jeeda deegaannada Ceel-garas iyo Cadaado ayaa u baqoolay galabta tuulada Mareer si loo kala dhexgalo beelaha ku dagaalamay tuulada Mareer.

Ururka Al-Shabaab ayaa ciidamo u diray tuulada Mareer si ay u kala dhexgalaan labada beelood ee dagaalka fitnada ah uu ka dhex curtay waxaana wararkii ugu danbeeyey ee sheegayaan in haatan ay degan tahay tuulada Mareer balse ay jiraan xiisad hub uruursi ay wadaan labada beel ee ku dagaalantay tuulada Mareer.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online