Eedeysane qirtay in uu dilay guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqan ka gobollka Hiiraan

December 13, 2012 - Written by

Beledweyne:-Saraakiisha ciidanka DFS  ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay saxaafada u sheegeen in eedaysane Mukhtaar Xassan Maxamed oo loo qabtay in uu dilay  27-bishii November guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqan ka gobollka Hiiraan Maxamed Shiikh Xusseen Maryacade in uu qirtay danbigaas.

Taliyaha qeybta Booliska magaalada Baladweyne Col. Isaaq Cali  ayaa saxaafada u sheegay in eedeysane Mukhtaar  Xassan Maxamed ay ciidanka DFS qabteen markii uu falka geystay ka dib baaritaan ay ku sameeyeena ay ogaadeen in uu yahay shaksiga dilka fuliyey haddana uu isagu qirtay danbigaas.

Taliyaha qeybta Booliska magaalada Baladweyne Col Isaaq Cali ayaa waxaa kale oo uu saxaafada u sheegay in eedeysane Mukhtaar Xassan uu  gabaad siiyey iyo meel uu ka dego magaalada Baladweyn mid ka mid ah taageerayaasha ururka Al-shabaab ee ku nool magaalada Baladweyne taasna ay u fududaysay  in uu dilka fuliyo.

Eeysane Mukhtaar Xassan oo la hadlay saxaafada ayaa qirtay danbiga waxaan uu sheegay in uu isagu ahaa qofkii xabadaha la dhacay Allaha u naxariistee guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Maxamed Shiikh Xusseen Maryacade isagoo xusay in uusan aqoonin guddoomiyaha balse nin la socday uu tusay maadaam isagu uu ka yimid degmada Buula-burte si uu dilka u fuliyo.

Eeysane Mukhtaar Xassan ayaa sidoo kale sheegay in ururka Al-shabaab ay u soo direen magalaada Baladweyne si uu u khaarajiyo guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Maxamed Shiikh Xusseen Maryacade oo maalin ka dib markii loo doortay xilkaas la dilay.

Eeysane Mukhtaar Xassan ayaa ku jira gacanta ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ee magalaada Baladweyne waxaan masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan ay u sheegeen saxaafada in dhawaan la soo taagi doono Maxkamada. Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin ururka Al-shabaab oo iyaga lagu eedeeyey in ay fuliyeen dilka guddoomiyihii gollaha odayaasha dhaqanka gobollka Hiiraan Maxamed Shiikh Xusseen Maryacade.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online