Golaha Baarlamaanka DFS oo Ansixyey Qaybtii Dhimanayd ee Golaha Wasiiradda(Warsaxaafadeed)

December 29, 2012 - Written by

Muqdisho:-Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wasiiru Dowlayaasha iyo Wasiiro ku xigeenada uu dhawaan soo magaacabaay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ugu mahad celiyey Xildhibaanadda sida sharafta leh oo ay  u ansixiyeen qaybtii dhimanayad  ee golaha Wasiirada,

“ Waxaan aad idiinka mahad celinayaa sida wanaagsan oo aad ula shaqaysaan xukuumadda, waxaana taas daliil u ah codka aqlabiyada ah oo aad markasata ku ansixisaan, sidoo kale waxaana u aragnaa in ay tahay waajib shaqo oo idin saaran  inaad soo celisaan wixii aad u aragtaan in aysan ku jirto danta guud. Waxaan idiin balan qaadaynaa inaan dib u habayn ku soo samayn doono Miisaaniyada aad ku soo celiseen xukuumadda sida ugu dhaqsaha badana ayaan dib idinkugu soo celinaynaa”

no images were found

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dhisantahay mudo ka yar laba bilood walina aan la gaarin xiligii boqolka maalmood ahaa ee xukuumadda dib u eegis lagu samayn lahaa, sidaad daraadeed xukuumaddu waxau ku talaabsatay wax qabad muuqda mudadii yarayd.

“ Waxaan xooga saarnay xaga amaanka oo aan ku talaabsanay guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin qaadidii isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda kuwaas oo caqabad ku ahaa isu Socodka, Nabad galyada,iyo iyadoo Dhaqaale aad u faro badan laga qaadi jiray gaadiidka, taasina waxay calaamad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan dalka nabad ku soo celino. Waxaan sidoo kale diyaarinay oo dhawaan howl galaya ciidamo gaaraya kun Askari oo aan u dhamaystirayno qalabkooda kuwaas oo qayb weyn ka qaadanaya sugida amniga Caasimada, waxaa kale oo xusid mudan in ciidanka Qaranka oo garab sanaya kuwo AMISOM la wareegeen gacan ku haynta magaalda Jowhar”

Ugu danbayntii Xukuumaddu waxay wafuud kala duwan u dirtay gobolada dalka, sida Bay, Gedo, Hiiraan iyo Jubada Hoose,

“Xukuumaddu waxay wafti balaaran u dirtay magaalada Kismaayo waxayna la kulmeen soo dhaweyn balaaran oo dadka deeganku aysan u kala harin, waxay kulamo la qaateen bulshada qaybaheeda kala duwan waxaana waftiga dowladda dadku ku dhaqan magaalda Kismaayo u muujiyeen sida ay u garab taagan yihiin. Waxaana dowladu balan qaadaysaa inay gacan ka gaysan doonto sidii looga xorayn lahaa Alshabaab dagmooyinka ay uga harsan yihiin Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka, dhanka maamul u samaynta Jubooyinka dowaladu waxay qaadanaysaa hogaanka sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada Jubooyinka iyadoo maamulkaas ka imanayo dadka deegaanka. Waxaana arinkaas ku heshiiyey Dowladda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan. Taasina waa siyaada guud ee dowaladdu ka damacsantahay gobolada Jubooyinka iyo dhamaan gobolada Dalka.waxaa kale oo dowladdu qorshaynaysaa sidii wafti balaaran ugu diri lahayd gobolada Dhexe si ay gacan uga gaystaan sidii loogu dhisi lahaa maamul dadku raali ka yihiin”

——-DHAMAAD—–

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online