Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobalka Sh/hoose oo la weeraray

December 19, 2012 - Written by

Marka:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerara Bam ah lagu weeraray saaka guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Abdulle Yuusuf  xili uu mareyey degaanak Buufow .

Weerarka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay mid ka mid ah ilaalada guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana uu dhaawac soo gaaray 3 kale.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax AbdulleYuusuf  ayaa xaqiiyey weerarka lagu qaaday kolanyo gawaari ah oo uu la socday wuxuuna sheegay in uu bad qabo oo uu ka badbaaday qaraxyo dhowr ah oo lagu weeraray.

Saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa sheegay maalmo ka hor in ay ciidamo dheeraad ah dhigi doonaan inta u dhaxeysa Marka iyo Muqdisho si ay uga hortagaan weerarada gaadmada ah ay Alshabaab ku qaadaan  ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online