Isbitaal Cusub Oo laga furay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar (Daawo)

December 4, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa maanta magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar laga furay Dhismo weyn oo casri ah kaas oo ka kooban  Isbitaal,Supermarket,Caffeteria  iyo Hotel waxaana xaflada lagu furay Dhismahan weyn ka soo qeyb galay Maamulka Degmada Qardho,Saraakiil ka socotay wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland, Nabadoono, ganacsato culuma,udiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu Horeyntii ayaa waxaa xaflada ka hadlay Axmed Nuur Sh Ibraahim  oo ah mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Isbitaalka Balsam Hospital ee saaka laga furay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar wuxuuna ka warbixiyey Dhismaha weyn ee Qardho laga unkay kana kooban Isbitaal Supermarket,Caffeteria  iyo Hotel wuxuuna ku dheeraaday waxtarka uu Isbitaalkan cusub u leeyahay dadweynaha Reer Qardhood.

Axmed Nuur Sh Ibraahim ayaa sidoo kale ka warbixiyey qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka iyo in ay taalo daawo tayo leh oo ku filan isaga oo hoosta ka xariiqay in Isbitaalka ay ka howlgali doonaan dhaqaatiir laga keenay dalka dibadiisa kuwaas oo ku takhasusay cudurada guud iyo wadnaha wuxuuna si gaar ah u xusay Dr.Seyfullaah,Caalim Karimowf ,iyo Narsugul

Isbitaalka Balsam Hospital ayaa waxaa xariga ka jaray Xogyaahaya Dowladda Hoose ee Degmada Qardho Maxamuud Maxamed Shire waxaana uu sheegay in Degmada Qardho ay heshay goob caafimaad oo casri ah wuxuuna ugu baaqay shacab Qardho in ay ka faa,ideystaan waxaa sidoo kale goobta ka hadlay saraal ka socda wasaarada caafimaadka ee Puntland oo lagu magacaabo Cismaan Dhalaweyne wuxuuna u mahad celiyey rag ka hergaliyey  Qardho Isbitaalkan cusub wuxuuna balan qaaday in dowlada ay dhiirigalin doonto mashaariicda noocaan oo kale ah.

Hoos ka Daawo Xaflada Furitaanka Isbitaalka Cusub ee Qardho laga furay

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online