Iska horimaad xalay ku dhexmaray Buuraha Golis Al-shabaab iyo Ciidanka Puntlland

December 5, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in xalay uu iska horimaad hubaysan uu ku dhexmaray deegaanka Sugura ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab oo ku sugan Buuraha Golis iyo ciidanka daraawiishta ee Puntlland oo aagaas ku sugnaa.

Dagaalka ayaa qaraxay ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen fariisamo ay ciidan ka Puntlland ay ku lahaayeen Togo Sugure taas oo sababtay dagaalku in uu qarxo. Dagaalka xalay ayaa waxaa ka soo baxay warar kale duwan qaabka uu ku bilwoday iyo inta uu socday iyo weilba khasaaraha soo kala gaaray labad ciidan ee dagaalamay. Ciidanka Puntlland ayaa la sheegayaa in dagaalka ay ugua dhinteen ilaa 2 askari iyagoo sheegay in ay ciidanka Al-shabaab ay a dileen ilaa 7 askari walow aysan jirin war ka soo baxay madaxda ururka al-shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu socday mudo kooban oo labad dhinac ay dagaalamayeen lamina garan karo khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray maadaam waqti habeen ah uu dagaalku dhacay. Dhinac kale warar ayaa sheegay in uu jiro gaari ay saarnaayeen ciidanka Puntlland oo gurmad ahaa in ay miino la qaraxday ayna jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka , Warsaxaafadeed ka soo baxay Puntlland ayaa lagu sheegay in qarax miino ay khasaaro iskugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen ilaa 10 askari.

Dadka wax falanqeeya aqoona u leh ururka Al-shabaab ayaa iyagu sheegay in dagaalka xalay ka dhacay Buuraha Golis uu soo deg degay balse la filayey in dagaalku bilowdo marka uu bilowdo buuq siyaasaseed oo dhexmara dowllada Puntlland iyo siyaasiyiinta mucaaradsan. Ururka Al-shabaab ayaa aad u danaynaya in fariisamo weyn ay ka samaystaan Buuraha Golis oo ah meel istaatiiji ah waxaan dhowr jeer oo hore ay kula dagaalameen ciidanka daraawiishta Puntlland.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online