Khudbadihii Jimcaha Ee Sheekh Umal iyo Sheekh Maxamuud Shible (Dhageyso)

December 8, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxmuud Shible ayaa khudbadii jimcaha ee shalay waxay ka hadleen laba mowduuc oo muhiim waxaana uu ka hadlay Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah aAhmiyada tawxiidka iyo shuruudaheeda isaga oo aad  Sheekhu ugu dheeraaday arinkaas.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka hadlay in qofka muslinka ah laga doonayo in uu isku daro tawxiidka afka laga leeyahay iyo camalkii waxaana uu ugu baaqay in laga fogaado wax kasta oo tawxiidkii aafeynaya.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay in khayrka la isku kaalmeysto isaga oo ka hadlay dhibaatada ka jirta xaafada Islii ka dib markii ay soo bateen dhalinyaro Soomaali ah oo dadka dila ,kana furta Mobelada iyaga oo mar marka qaarkooda dhaca dukaamada iyo meheradaha qaarkood.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa ugu baaqay waxgaradka odayaasha iyo culumada in wax laga qabto dhibta ka jirta xaafada Islii ay ku hayaan dhalinyarada Soomaalida ah iyaga oo isbuucaan gudihiisa dhowr qof ku dilay toorey.

Sheekh Maxamuud Shible ayaa ugu baaqay Soomaalida in ay difaacdaan cirdigooda iyo maalkooda tuugada weerarka ku ah isaga oo sheegay in dalka ay Soomaalidu ku soo daabuleen maalkoodii iyo cirdigooda .

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimcaha Ee Masjid Abubakar ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
[audio:https://halgan.net/Mp3/Umaltowxiid.mp3] ama Halkan MP3

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii ee Masjidka Al-Hidaaya Ee Sheekh Maxamuud Shible.
[audio:https://halgan.net/Mp3/Khudbad_Shible.mp3] ama Halkan Mp3

Halgan.net
Nairobi

8 Comments so far

Leave a comment

  1. MAANSHA ALLAH ILAAHAY XAQA HANA WA FA JIYO

  2. Mashaa-allah allow inoo xifdi culimadeena jannada teede ugu sareysana gee amiin

  3. maa shaa alaah ilaahow cilimada noo xifdi caalimka soomaliyeed ilaahow carabkiisa cadaabka kahay amiin?

  4. maashaa alaah alow janada gee culumadaan

  5. allow culumada noo xifdi dhamaantood

  6. manshallah sheikheena mahamed abdi umal allow dhowr oo dambigiisa iyo kan waaalidkiba dhaaf amiiiiiiiiin

  7. masha allahculimada allah hanoo xifdiyo insha allah

  8. Shikha Illahey ha noo xAfidoo Waa geesi Somaliyeed, Hadalkissa waa galey sii wanagsan ban u fahmey Mansha allaah

Leave a comment

*