Madaafiic xalay lagu weeraray xarunta Villa Soomaaliya iyo degmooyinka ku dhow

December 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Madaafiic lagu weeraray madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaana Madaafiicda qaar ka mid ah ay ku dhacday degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Madaafiicda ayaa xalay waxaa lagu weeraray Villa Soomaaliya abaarihii 11:30 habeenimo waxaana laga maqlayey xaafadaha ku teedsan villa Soomaaliya hugunka madaafiicda

Madaafiicda xalay lagu ganay Villa Soomaaliya ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay 5ruux oo isku qoys ah kuwaas oo deganaa Degmada Boondheere oo uu gurigooda ugu tagay Madfaca.

Madaxda DFS ayaa saaka kulan degdeg ah isigu yimid iyaga oo ka shiray weerarka xalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Villa soomaaliya waxaana kulanka isigu yimid R/W DFS iyo gudoomiyaha baarlamaanka waxayna sheegeen in ay ka daba tagi doonaan raga ka danbeeyey weerarkii xalay

Raisulwsaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in weerarka xalay uu ahaa mid lagu qaaday dadka shacabka ah ee degan Degmooyinka ku dhow Villa Soomaaliya wuxuuna sheegay in saraakiisha ciidanka DFS ay wadaan baaritaano .

Saraakiisha xarunta Madaxtooyda villa Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ayaan wili ka hadal madaafiic xalay laga maqlay nawaaxiga xarunta Villa Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online