Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan ciidanka JFS (Warsaxaafadeed)

December 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa caawa munaasabad ka dhacday xarunta Villa Somomaaliya ku dalacsiiyay sagaal sarkaal oo ka tirsan ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdi Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Ge. Cabdulqaadir Sh. Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhiga.Saraakishan dalacday ayaa waxeey tababar heer sare ah ku soo qaateen dalka Yuganda. Kadibna waxaa soo jeediyay Wasaaradda Gaashaandhiga in la dalacsiiyo saraakiishaan.

Madaxweynaha, oo munaasabadaas kala dar-daarmay saraakiisha cusub ayaa wuxuu yiri” Ummaddaan haybadeeda iyo sharafteeda in aad usoo celisaan ayaa la’idinka doonayaa, gabadha Soomaalida ah ee xeradda qaxootiga ku jirta oo Soomaaliya garaneyn ee laakin xerada qaxooti ugu jirto,madaama ay Soomaali tahay ayaa la’idinka sugayaa in aad dalkeeda dib ugu  soo celisaan”.Saraakiishan ayaa ah kuwii  ugu horeyay ee muddo labaatan iyo labo sanno ah ay dawlad aan  ku meel gaar aheyn ay dalacsiisay.

no images were found

Waxaa ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan Sh. Ku soo qatimay in saraakishan xidigta caawa lagu dalacsiiyay ay masuuliyad ka saarantahay shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteedna looga baahan yahay in ay dhowran nidaamka ciidamadda iyo sharafta Qaranka.

Communication Office
Office of the Somali President
 Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online