Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul

December 5, 2012 - Written by

Turkiya:-Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga iyaga oo ka wada hadlay arimo kala duwan.

Kulankan maanta dhaxmaray labada madaxweyne ayaa waxaa ku weheliyey  wasiiro ka tirsan DFS iyo dowlahada Turkiga waxaana kulanka looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo kordhin lahaa mashaariicda ay dowlada Turkiga ka fuliso gudaha Soomaaliya,

Markii uu soo dhamaaday kulankii ay saaka wada qaateen labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa shir jaraa’id si wada jir ah u qabtay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Turkiga Cabdalle Guul iyaga oo sheegay in kulakoodii uu guul ku soo dhamaaday.

Madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in labada dal ay ka wada hadleen iskaashiga xaga amaanka waxaana uu amaan u soo jeediyey dowlada iyo shacabka Turkiga sida ay u garab taagan yihiin mar walba shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha dalka Turkiga Cabdalle Guul ayaa sheegay in dowladiisa ay kordhin doonto mashaariicda horumarineed ay dowladiisa ka wado Soomaaliya waxaana sidoo kale heshiis xaga amaanka ah kala saxiixaday wasiirada G/dhiga ee labada dal ee Turkiga iyo Soomaaliya.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online