Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqday xabsiga magaalada Boosaaso

December 4, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sh Maxamed Faroole ayaa maanta booqasho ku tagay xabsiga weyn ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari isaga oo xariga ka jaray qaybo cusub oo lagu kordhiyey xabsiga magaalada Boosaaso .

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa waxaa kormeerkiisa ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar iyo madax UNODC Puntland Cabdirisaaq Maxamed Jaamac oo ay hay,adiisu qeyb weyn ka qaadatay dayactirska xabsiga magaalada Boosaaso iyo saraakiil  ka soctey madaxtoyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Sh Maxamed Faroole ayaa khudbad kooban ka jeediyey ka dib markii uu furay qeybaha lagu kordhiyey xabsiga magaalada Boosaaso wuxuuna sheegay in xabsiga lagu xiri doono lana keeni doono burcadbadeeda Soomaaliyeed ee ku xiran Caalamka si loo dhaqan celiyo eheladoodana ay u soo booqdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa isla bishan gudaheeda sidoo kale xariga ka jarey xabsiga weyn ee magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar isaga oo sheegay in waxqabadka xukumadiisa ay tahay mid la taaban karo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online