Madaxweynaha Dowladda Puntland oo booqday xarunta ciidanka badda ee Puntlland(Masawiro)

December 31, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxman Maxamed Faroole ayaa  maanta waxaa uu booqasho ku tegay xarunta ciidan ee badda Puntlland isagoo hadal uu u jeediyey cidanka ugu hanbalyeeyey guushii ay ciidanka badda ka gaareen in ay soo furtaan Markabkii MV Iceberg 1 oo ay mudo dhowr sano ah ay haysteen kooxo burcadbadeed ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu tacsi u diray mid ka mid ah askarta ciidanka badda ee Puntlland laguna magcaabo Cabdirisaaq Awil Farey oo ku dhintay howl ay ciidanka badda Puntlland ay ku soo furanayeen Markabkii MV Iceberg 1oo koox buracadbadeed ah ku haysteen degaan ku dhow degmada Garacad ee Gobolka Mudug.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxman Maxamed Faroole ayaa booqashada  uu ku tegay xarunta ciidanka badda Puntlland waxaa ku weheliyey Guddoomiye ku xigeen ka Barlamanka, Wasiirka Amniga, Col. Khaliif Ciise Wasiirka Beeraha Siciid Raage iyo wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxman Maxamed Faroole ayaa in ka badan bil ku sugan magaalada Boosaaso isagoo kormeer shaqo ku kala bixiyey xarumo kale duwan oo dowllada ah iyo jaamacado iyo goobo waxbarsho oo ku yaal magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online