Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

December 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar booqasho ah oo uu maalmo ku tegay dalalka Kenya iyo Uganda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada ,Wasiirka Gaashaandhiga masuuliyiin ka tirsan xarunta Madax tooyada villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaarada ah ee Aadan Cadde Wasiiro, Wasiro ku xigeeno , saraakiil ciidan iyo xilidhaabanada dowllada Federaalka Soomaaliya, Madaxweynah DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo markii uu soo gaaray Muqdisho la hadlay warfidiyeenada ayaa waxaa uu sheegay in safaradii uu ku kala bixiyey dalalka Kenya iyo Uganda uu ahaa u jeedadiisu in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya dalalkaas iyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo uu sheegay in madaxda dowllada Kenya iyo Uganda ay isku afgarteen in ay ka wada shaqeeyaan sugida amaanka iyo in la xoojiyo la dagaalanka wax uu ugu yeeray argagixisada si nabada iyo amaanka Geeska afrika loo sugo maadaam dalalka Kenya , Uganda iyo Burundi ay ciidamo u soo direen dalka Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online