Madaxweynaha JFS oo soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

December 21, 2012 - Written by

Nairobi:-Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka soo dagay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi waxaana ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dowlada Kenya oo uu horkacayo madaxweyne Mwai Kibabi

Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibabi iyo Masuuliin kale ayaa si weyn ugu soo dhaweeyey madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh waxaana loo galbiyey aqlka madaxtooyada ee dalka Kenya.

Labada Madaxweyne ayaa waxaa la filayaa in ay ka wada hadlaan xiriirka labada wadan , ammaanka iyo qorshaha IGAD,ee Soomaaliya ,Al-shabaab ,iyo xaalada qalafsan ee soo foodsaartay Somalida degan Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa u xaqiijiyey saxaafada gudaha Soomaaliya in wafdiga madaxweynaha DFS uu soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Alle ha i fududeeyo soomaalida imtixaan rabaani ah ayaa haysta

Leave a comment

*