Madaxweynaha JFS Xasan Sheeekh Maxamuud oo la kulmay Wafdi Ka Socda EU

December 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Villa Somalia wafdi ka socday Midowga Yurub (EU).

Wafdigaas waxaa hogaaminayay Ambassador Alex Rondos oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arimmaha Soomaaliya, waxaana ku wehliyay saraakil sar sare oo ka tirsan EU.

Madaxwenyanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdigaas ugu warbixiyay safaradiisii ugu danbeeyay kuwaas uu ku sheegay gogol xaar looguna diyaar garoobayay xiriir dhaqaale iyo mid ku aadan xaga amniga iyo hormarinta Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu u sheegay in hada Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriir wanaagsan ay la yeelato beesha caalamka iyo qaasatan dalalka deriska la ah. Madaxweynaha ayaa ugu mahad celiyay EU, sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan dowladda Somaaliya

EU ayaa soo dhaweeyay horumarka hada ka jira Soomaaliya iyo dadaalada ay dowladda ku dooneyso dib usoo celinta, iyo amniga.

Dhamaad –

Agaasinka Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha

Muqdisho, Soomaaliyo,

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online