Madaxweynaha Puntland oo booqday Jaamacaddaha magaalada Boosaaso

December 27, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/raxman Maxamed Faroole iyo wafdi wasiiro ah ayaa maanta waxaa ay booqosho ku tageen Jaamacadda bariga Afrika iyo Jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso oo ah jaamacaddaha ugu weyn ee ku yaal degaanada Puntlland. Wafdiga Madaxweyna ha dowllada Puntlland oo booqashadood ka bilaabay xarunta tacliinta ee Jaamacada bariga Afrika ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey maamulka Jaamacada bariga Afrika , Ardayda, iyo macalimiinta.

Madaxweyne Dr.C/raxmaan Faroole oo hadal kooban u jeediyey ardayda ayaa waxaa uuu xusay in iyagu maanta ay ka nasiib badan yihiin oo ay nasiib u helleen in ay magaalada Boosaaso oo loo yaqaanay waagii hore gaari waa ay maanta ku yaalaan Jaamacado waaweyn oo laga barto culuunta kale duwan ilaa Master-degree.

Madaxweyne Dr.C/raxmaan Faroole  ayaa sheegay in rag badan oo isagu uu ku jiro ay magaalada Muqdisho waxbarsho u raadsadeen galaaskii 6aad ka dib iyagoo waxbarashadooda intii kale ku soo dhamaystay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya oo waagii hore loo aadi jiray waxbarshada heerka dhexe ilaa heerka jaamacadeed.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa xusay in dadka hindisay in jaamacadaha bariga Afrika iyo mid kale ee Jaamacada Muqdisho loo baahan yahay in la qadariyo ayna mudan yihiin amaan, madax weynaha ayaa waxaa kale oo uu ku guubaayey ardayda in ay ku dadaalaan wax barshadooda oo ay ka faa’iidaystaan furasada ay hadda haystaan oo dad badan aysan haysan maanta ayna ka faa’iidaystaan waayo aragnimada dadka waaweyn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa waxaa  kale oo uu sheegay in bulshada soomaaliyeed wax isku diray oo burburiyey ay yihiin qabiil iyo qaad  loona baahanayahaya in laga digtoodnaaado waxaa kale oo uu sheegay in dhalinyarad ay iska ilaaliyeen kooxo ugu soo dhuunta magac diin ama mid qabiil oo intay buuraha geeyaan dhalinyarada ka dibna dhaafiya mustaqbalkooda ilaa marka danbe ay gaariiyaan in dad muslin ah dhiigooda ay faraha la galaan oo ay laayaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa ugu danbayntii sheegay in bulshada ku nool soomaaliya ay yihiin muslin ayna haystaan Mahabka Shaaficiga meel ay diinta uga baxeen aan la arag loon baahan yahay dhalinayardu in aysan ku dagmin kuwa magacyada ay ku ceebaynayaan u bixiya culimada diinta oo ka dhiga kooxo kooxo aan diintu waafaqsanayn.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa ku booriyey ardayda in ay ka shaqeeyaan amniga oo amni iyo nabadgelyo hadii aan la hellin aan la heli karin Jaamacaddaha  iyo goobaha kale duwan ee laga barto waxbarashada kale duwan ee diinta iyo mida maadiga ahba.

Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu booqosho ku bixiyey jaamacada Muqdisho ee magaalada Boosaaso waxaaan si wanaagsan u soo dhaweeyey maamulka jaamacada iyo ardayda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online