Madaxweyne Faroole oo ka qeyb galay olole Caafimaad oo lagu soo afmeeray Boosaaso.

December 29, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxay ka qeyb galeen munaasibad balaaran oo lagu soo gaba gabaynayay Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso kaas oo laagu magac daray ololaha ciribtirka isku furanka dumarka.

Mashruucani ku aadan ciribtirka isku furanka dumarka ayaa waxaa soo diyaariyey wasaarada caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay,adda UNFPA iyo waliba dhakhaatir ka socota hay adda WAHA .Wasiirka Caafimaadka Dr.Cali Cabdulaahi ayaa markii ugu horeysay khudbad ka jeediyey goobta waxaana uu sheegay in wasaaradiisa ay wax badan ka qabtay horumarinta Caafimaadka ee deegaanada Puntland waxaana uu tusaale u soo qaatay dhakhaatiir badan oo ka yimid dibada oo howlo caafimaad oo badan ka fuliyey deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa isagu soo xirey munaasabadan ayaa mahad balaaran u jeediyey wasaarada caafimaadka iyo wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr.Cali Cabdulaahi sida weyn ay ugu hagar baxeen shacabka Puntland wuxuuna sidoo kale mahad u soo jeediyey dhakhaatiirtii fulisey qaliimada kala duwan kuwaas oo ka yimid dalka dibadiisa.

no images were found

Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa ugu baaqay dumarka in ay ka qeyb qaataan Amaanka deegaanada Puntland wuxuuna ugu baaqay in ay ciidamada soo wargeliyaan cid walba oo ay ka shakiyaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa mucaaradka ka soo horjeeda dowladiisa weerar ku qaaciyey isaga oo ku tilmaamay wax aan naf lahayn oo jiri ah dadkana aan  qiimo ugu fadhin waxaana uu diiday in ay xukuumadiisa wakhti ku darsaday isaga oo sheegay in dowladiisa 5 sano loo doortay Puntland .

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka soo horjeeda xukuumada Madaxweyne Faroole ayaa ku eedeeyey in uu ku darsaday hal sano oo sharci daro ah iyaga oo ugu baaqay in doorasho la qabto marka la gaaray 8 jan 2013 waxayna Issimada ugu baaqay in ay soo faragaliyaan xal u helida khilaaf siyaasadeed ee u dhexeeya dowlada Puntland iyo Mucaaradka .

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Madaxweyne faroole ka jeedshay Isbitaalka Boosaaso
[audio:https://halgan.net/Mp3/Faroole29.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online