Madaxweynihii hore ee Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Boosaaso(Dhageyso)

December 22, 2012 - Written by

Boosaaso:-Madaxwanihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ayaa maanta soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaana ku soo dhaweeyey magaalada Boosaaso iyo Isimada ,waxgarad ,waxaana uu sheegay in uu Puntland u yimid in uu ka shaqeeyo isfahansiinta dowlada Puntland iyo mucaaradka.

Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in Puntland ay leedahay cadow tiro badan aan loo baahneyn in dadka reer Puntland ay dagaalamaan oo ay dhacdo sidii dhacday waagii uu xilka hayey alaha u naxariistee C/laahi Yuusuf Ahmed.

Gen Cadde Muuse ayaa waxaa kale oo la weydiiyey su,aalo badan oo xasaasi ah waxaana uu sheegay in uusan u iman Puntland in uu xil ka qabto balse uu u yimid sidii loo adkeyn lahaa nabadgalayada ka jirta Puntland iyo isfahamsiinta dowlada iyo mucaaradka.

Gen Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa waxaa socdaalka ku weheliya odayaal iyo waxgarad kale oo soo jeeda deegaanada Puntland waxaana la filayaa caawa in kulan wada yeeshaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso.

Hoos ka Dhageyso Shirjaraa,id oo uu Madaxweynihii Hore ee Putland Jen Cadde Muuse ku qabtay Garoonka Diyaarada

[audio:https://halgan.net/Mp3/Gen_Cadde.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online