Masjidka Imaam Al-Shaafici ee Minnesota oo la wareegay dhisme Cusub (Daawo)

December 16, 2012 - Written by

Minnesota:-Xili ay sii kordheyso Soomaalida  soo degaysa gobolka Minnesota oo lagu qiyaasay inay gaarayaa ilaa 100,000 oo qof ayaa waxaa mooda iyaduna inay ku soo badanayaan masajidada iyo madaariskta lagu barto culuumta islaamka. Waxaa maanta masajidka imam shaafici la wareegay dhisme ku oolaa xaafada ay soomalidu u badan tahay ee lagu magacaabo Cedar.

Dhismahaa waxaa u ahaa meel dadka gaalada ah ay isugu yimaadaan habeenkii kuna caweeyaan (night club) laguna iibiyo khamriga. Dadwaynaha xaafada degan meshaasi waxay ku ahayd meel ay uga baqaan in caruurtoodu arkaan dadkaa gaalada ah dabadeedna sameeyaan waxaa ay gaaladu samaynayso. waxay go’aan ku gaareen in loo iibiyo masaajidka shaafici.

Masaajidka Imaam shaafici oo ahaa masajidkii u horeeyey ee ay soomalidu yeelato, wuxuu deganaa meel kiro ah muddo ilaa 13 sano ah. wuxu masaajidka iyo dadwaynaha xaafaduba xooga saareen sidii loo iibsan lahaa. Ilaahay mahadii maanta ayaa gurigii lagu soo wareejiyey masaajidka shaafici.

no images were found

Waxaan mahad gaar ah u celinaynaa dadwaynaha arintaa hirgaliyey kana qayb qaatay sidii masaajidku u heli lahaa dhisme isaga u gaar ah. Waxaan ilaah uga baryeynaa cidii ka qayb qadatay in ilahay ugu daro miisaanka xasanaadka.

Sheekh Qardhaawi oo ka mid ah masuuliinta Masjidka Shaafici iyo ducaada Magaalada Minneapolis  ee ka tirsan gobolka Minneapolis ayaa la soo wareegay furihii dhismaha markii ay bisha December ahayd 13 sanadkan 2012.

Wixii faafaahin ah kala soo xiriir maamulka masaajidka shaafici Maxamud
1-612-205-9746

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online