Maxaabiis ka baxsatay xalay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo

December 3, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in xalay maxaabiis gaareysa ilaa 20 ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo kuwaas oo loo heystay eedeymo kala duwan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Asluubta ee DFS ayaa sheegay in ku dhawaad 20 maxaabiis ah oo ay ku jireen kuwa ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay xalay ka baxsadeen xabsiga ka dib markii jabi yeen albaabka xabsiga ay ku jireen wuxuuna ku eedeeyey in qaar ka mid ah ilaalada xabsiga ay arinkaas fududeeyeen.

Maxaabiista ka baxsatay xabsiga ayaa waxaa qaarkood lagu xukumay inta u dhaxeysa 12 sano ilaa 7 sano waxayna iskgu jireen rag loo heystay danbiyo kale duwan . Ciidanka DFS ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay soo qabtaan 7 ka mid ah maxaabiistii xalay ka baxsatay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo sida uu saxaafada magaalada Muqdisho u sheegay sarkaal ka tirsan DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online