Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka oo 8sano ku xukuntay Nimco Cali Yuusuf

December 12, 2012 - Written by

Calafornia :-Maxkamad ku taala waddanka Mareykanka gaar ahaan magaalada San Diego ayaa waxay 8 sano oo Xarig ah ku xukuntay mid ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee gacan qaban jiray agoonka oo la yiraahdo Nimco Cali Yuusuf waxaana ay maxkamada ku eedeysay in ay lacag lagu taageerayo Ururka Al-Shabaab ay ka gurtay gudaha dalka Mareykanka.

Xeerilaaliyaha  dacawada ku soo oogay Nimco Cali Yuusuf  ayaa ku dooday in Nimco lacag badan u gurtay Ururka Al-Shabaab waxaana uu soo jeediyey in xabsi daa,in lagu xukumo balse dood dheer ka dib ayaa Nimco Cali Yuusuf waxaa lagu xukumay 8sano oo xarig ah.

Nimco Cali Yuusuf ayaa waxay maxkamada ka sheegtay in ay agoon u dirtay 1450$ balse aysan wax lagu taageerayo Ururka Al-Shabaab aysan dirin waxaana maxkamada ay ku dooday in ay heyso codad iyo xiriiro ay sameysay iyaga oo qoraal ahaa uga akhriyey Maxkamada.

Nimco Cali Yuusuf ayaa waxaa ay xabsiga ku jirtay ku dhawaad laba sano waxaan alle uga baryeynaa in alle ka soo daayo Nimco iyo walaalaha kale ee gardarada ugu xiran dalka Mareykanka iyadana alaha ku irsaaqo sabar iyo iimaan.

Maxkamada  ku taalla magaalada Illinois ayaa ku  xukun 10 sano oo xarig ah ku riday Shaker Masri 00 29 jir ah waxayna ay ku eedeysay inuu qorsheynayay weeraro dad badan ku dhintaan in uu fuliyo isaga oo rabay in uu ku biiro Ururka Al-Shabaab tababarna ku soo qaato gudaha dalka Soomaaliya.

Yuusuf Ahmed Cali
San Diego

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online