Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso oo Burcad xukun ku riday

December 30, 2012 - Written by

Boosaaso:-Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa maanta xukun isugu jira dil toogasho iyo xabsi ku xukuntay koox burcad badeed ah oo ay dhawaan ciidanka Badda ee Puntland ay ku soo qabteen Degmada Garacad.

Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso ayaa eedeysanayaasha ay xukunka ku riday waxay isigu jiraan rag gacanta lagu hayo iyo kuwa lagu raadjoogo oo ka baxsaday ciidanka Badda ee Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Bari Sheekh Aadan Aw-Cabdi oo ku dhawaaqay xukunka kala duwan ee lagu riday eedeysanayaasha waxaana maxkamada la keenay 3 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Burcadbadeedii heysatay Markabka  Iceberg-1 waxaana lagu xukumay min 10-sano oo xarig ah iyo ganaax dhan 50 milyan oo Shilin Soomaali ah.

Maxkamadda darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso  ayaa waxaa kale oo ay soo bandhigtay hub lagu soo qabtay Burcadii laga soo qabtay Degmada Garacad  hub kala duwan ay ka mid yihiin 3 Ak-47 iyo  hal qori oo PKM.

Shalay ayey ka dhoofeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari Shaqaalihii la socday Markabkii Iceberg-1  kuwaas oo gaarayey 22shaqaale waxayna ka soo jeedeen wadamo kala duwan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online