Nabadoon Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo lagu dilay Degmada Ceelbuur

December 7, 2012 - Written by

Ceelbuur:-Wararka naga soo gaaray degmada Ceelbuur ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegay in nin Nabadoon ah oo aad looga yaqaan degaanka Ceelbur  si xun loo dilay oo la gowracay. Allaha uu naxariistee Nabadoon Cabdullaahi Maxamuud Faarax ayaa meydkiisa waxaa la hellay isagoo la gowracay arrinkaas oo dadka degaanka ku noqotay wax ay aad ula yaabeen.

Goob jooge  ku nool degmada Ceelbuur ee Gobolka Gal-gaduud  ayaa saxaafada u sheegay in Nabadoon Cabdullaahi Maxamuud Faarax uu ahaa Nabadoonada aad  looga qadariyo degaanka wax loo dilayna aan ilaa hadda la aqoon.

Degmada Ceel Buur ee Gobolka Gal-gaduud ayaa waxaa ka taliya oo gacanta ku haya Ururka Al-shabaab mana jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan dilka foosha xun ee loo geystay allaha u naxariistee Nabadoon Cabdullaahi Maxamuud.

 A/Cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online