Nabadoon Gaboobe Aadan Dalab oo caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo

December 28, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Waxaa caawa  lagu dilay allaha u naxariistee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug  Nabadoon Gaboobe Aadan Dalab oo ka mid ahaa Nabadoonada gobolka Mudug , Nabadoonka Gaboobe ayaa la sheegayaa in ay dileen niman dhalinyaro ah oo ku hubeysan bistoolado xili uu soo tukaday salaadii cishe kuna sii jeeday gurigiisa. Nabadoon Gaboobe Aadan ayaa markii la dilayey waxaa uu marayey Xaafada Israac ee Waqooyiga Gaalkacyo sidda ay saxaafada u xaqiijiyeen Ehelada Nabadoonka.

Ehelada Marxuunka Gaboobe Aadan ayaa waxaa  sidoo kale oo ay saxaafada u sheegeen in Nabadoon Gaboobe uu markii hore uu dhaawac ka soo gaaray weerarka lagu qaaday ka dibna loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo halkaas oo uu markii danbe uu ku geeriyooday Nabadoonku.

Magaalada Gaalakacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay bilihii la soo dhaafay aysan ka dhicin duufano dilal qorshayn oo ay fuliyaan kooxo cadaw ku ah bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyagoo inta badan bartilmaamsada, Culimada , ducaad  Nabadoonada , Saraakiishii hore ee ka tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, ganacsato iyo waxgarad kale.

Dilalka qorsahayn ee lagu laaayo waxgaradka iyo dadka bulshada magac ku dhex leh ayaa waxaa ay ka dhacaan inta u dhexeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Laascaanood iyadoo ilaa hadda aan jirin koox sheegtay dilalkaas .

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online