Mu’tamarkii dhalinyarada oo lagu qaban doono magaalada Boston

December 9, 2012 - Written by

Boston:-Waxaan ugu bishaaraynaynaa bulsha waynta Somaliyeed ee kunool Boston iyo nawaaxigeeda in Boston Islamic Center/ Masid Altaqwa uu sanadkaan qaban doonoo Mu’tamarkii dhalinyarada kaas oo sanad walba laqab jiray balsa aan laqaban sandkii lasoo dhaafay.

Mu’tamarka  ayaa waxaa uu dhici doonaa Bishan December 22-23, 2012, waana labo maalmood oo ah Sabti iyo Axad. Mutamarka ayaa waxa uu yeelan doonaa sidii aad horayba uga barateen Barnaamijyo iskugu jira Muxaadaroyin Afsomalia  iyo English ah, Bandhig Quraanka Kariimka ah, Su’aalo iyo Jawaabo, workshops loogu talagaya dhalinyarada-gabdho iyo wiilalba, iyo Barnaamij gaar ah loogu talagalay bulshada somaliyeed ee kunool Boston.

Mutamarka waxaa nagala soo qayb gali doona Culimo waaweyn oo Somali iyo Ajaanib isku jirta. Waxaana kamid ah Sh. Abdirahman Sh. Cumar oo ah Gudoomiyaha Golaha Isku taga imaamyada ee Waqooyi America, Sh. Adam sh. Abdullahi oo isna ah Imaamka Masjid weyn ee Magaalada Columbus, Oh, Masjid IbniTeymiya iyo Sidoo kale Sh. Abdulbary Yahya oo ah Imaamka Masjidka Jaamiul Muslimeen Magaalada Seattle, WA, waxaa sidoo kale imaan doona Culimo badan oo gadaal laga soo sheegi doono hadii alle yiraahdo.

Labadii Mutamar ee lasoo dhaafay waxaa lagu qabatay Masjidka wayn/ISBCC balse sanadkaan waan kaduwan yahay meesha lagu qabanyo. Waxaa lagu qaban doonaa Xarunta loo yaqaan Boys and Girls Club oo kutaalla 115 Warren St, Roxbury, MA 02119.

Hadaba Nafteena iyo Ehelkeenaba aan u faa’idayno  annagoo kawada fa’idaysanayna Kulankaan aadka muhiimka u ah iyo culimada Safarka noo soo gashay si ay noogu faa’ideeyaan.

 

2012 Boston Islamic Center Mutamar

Taariikhda:

Dec 22-23, 2012 | 2:00pm to 10:00pm

Goobta:

Boys and Girls Club: 115 Warren St, Roxbury MA 02119

 Cinwaanka Mutamarka:

“Qofkii raba lakulanka ALLAH, hasameeyo Acmaal wanaagsan”

 Wixii warbixin dheeraad ah nagala soo xiriir

617-522-1881 ama 857-204-3359

 Sidoo kale waxaad nagala socon kartaa FACEBOOK adigoo “LIKE” garaynaya boga masjid ee Boston Islamic Center ama  Twitter-ka oo ah @BICMASJID

Faafinta Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online