Puntlland oo warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalkii ka dhacay xalay Buuraha Golis

December 5, 2012 - Written by

Boosaaso:-Ciidamada Dowladda Puntland ayaa iska caabiyey weerar ay xalay ku soo qaadeen kooxda argagaxisada Al Shabaab agagaarka buuraleyda Galgala. Xalay abaare 11:00 habeeni mo ayaa koox hubaysan oo ka tirsan argagaxisada Al Shabaab soo weerareen Ciidamada Difaaca Puntland oo ku sugan agagaarka Buuraleyda Galgala. Kooxda Al Shabaab oo dhowr jiho weerarkaasi ka soo qaaday ayaa Ciidamada Puntland ku guuleysteen in ay jabiyaan weerarkooda. Ugu yaraan 7 Al Shabaab ah ayaa lagu dilay weerarkaas, hubkoodina laga qabsaday, waxayna kooxda Al Shabaab-na dib ula carareen 12-dhaawac ah. Halkaan ka Akhriso Warsaxaafadeedka Puntlland ee dagaalkii xalay Buuraha Golis

Labo askari oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa ku shahiidey weerarkaasi, Ciidamada Puntland ayaa ku raad jooga wixii ka haray argagaxisadii weerarka soo qaaday. Miino jidka la dhigay oo aan xiriir la lahayn weerarkii hubaysnaa ayaa ku qaraxday baabuur siday Ciidamada Puntland, qaraxaasi ayaa sababay khasaare soo gaaray 10-askari oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac intaba.

Dowladda Puntland waxay aaminsantahay kooxo leh u jeedooyin siyaasadeed gudaha Soomaaliya inay tageero buuxda siiyaan argagaxisada Al Shabaab oo dagaalka kula jira Dowladda Puntland.

 

— DHAMAAD

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online