Faahfaahin Qarax ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi

December 7, 2012 - Written by

Nairobi:-War goordhow naga soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay banaanka Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi waxaana qarax uu dhacay salaadii cishe ka dib warar hordhac ah oo soo gaaraya Halgan.net ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawac kala duwan.

Qarax ayaa waxaa uu dhacay salaadii cishe ka dib waxaa laga maqlay galbeedka banaanka Masjidka waxaana masjidka ku soo tukaday xildhibaanka laga doorto xaafada Kamakunji Yuusuf Xassan Cabdi wararka qaar ayaa sheegaya in uu dhaawacmay xildhibaanka .

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa maanta yimid Masjidka isaga oo ay maanta su,aalo la weydiiyey mar uu yimid masjidka  wuxuuna dadweynaha ka dalbanayey in codka la siiyo mar kale.

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaaray magaalada Nairobi gaar ahaan Masjidka Al-Hidaaya ayaa sheegaya in qaraxii caawa ka dhacay banaanka Masjidka ay ku dhaawacmeen ilaa 10 qof waxaana dhaawacooda la geeyey isbitaalka Buru Buru  waxaana sidoo kale ku dhintay ilaa 3 qof waxaana soo buuxdhaafiyey xaafada islii ciidamo Boolis ah kuwaas oo baaraya dadweynaha iyo gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhamaan culumada iyo ducaada Masjidka Al-Hidaaya ayaa dhamaantood bad qaba lamana oga ilaa haatan cida ka danbeysa qaraxa ka dhacay caawa banaanka Masjidka mana jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa.

Halgan.net
Nairobi

5 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC RUNTII WAXAN WAXA KA DAN BEYA DAD AAN WAX DAMIRA LAHEN HADNA AAN DHIHI KARO MABA AHAN MUSLIM HADII GALA CAD EEY GA DAN BEYSO WAA LAGARTAY LAKIIN NIN ISU HESTA IN UU WAXAN RABI UGU DHAWANYA ? MARKA ANAIGA WAXAN LEYAHAY RABI HANGA QABTO CADOWGA CULIMADA SIDA SHIBLI SHKH UMAL WAXAN SOO JEDIN LAHAH HALGA WAR DIYEEYO CADAWGA NUUCYADA BADAN.

  2. sw
    Walaal Cadnaan waan kaa qaatay nasiixada balse war jira cakaara buu iman Al-shabaab hal qof oo ay gaal u heystaan bay 100 u qarxiyaan taasna waa muuqataa waad ku mahadsan tahay nasiixada waligay ma diidin hadalka walaal naasix ah

    shukaran akhi filaah

  3. Ilaahay ha badbaadiyo muslimiinta iyo goobahooda cibaadadaba, wixii fawdadaan dadka wadnaha karkarisay ka dambeeyana hasoo qabto,run ahaantii waxaad moodaa in ay jirto dhagar iyo ujeeddooyin xunxun oo lala maagan yahay dadka muslimiinta ah ee dega xaafaddaas u badan ,khaasatan soomaalida cidkastaaba ha ka timaaddo dhagartaase.
    waxaanse anigoon cidna difaaceyn ama u xaglineyn ugu naseexaynayaa walaalka BARAKAALE inuusan jiho gooni ah kula degdegin xukunka cidda ka dambeysa falkaan argagaxa badan ee muslimiinta walwalka weyn ku ridey ee haddana lagula beegsadey masjidkoodii, innaga lafteenuna hadaan dhinac uun saarnaanno oo jabaqdii aynu maqallaba u saarinno waxaa imanaysa caddaalad darro badan iyo sidoo kale inuu daah naga fuulo cidii rasmiga ahayd ee falalka caynkaan oo kale ka dambeysa, sida aad la socotidna waayahaan waxaa waddanka kenya kusoo fool-leh doorashooyin xilliyada ay sidaan oo kalena qas iyo qalalaase badan ayaa ka dhaca kenya oo lug leh doorashooyinkaas oo siyaasad lugta ku haya oo ay soo abaabulaan ragga siyaasiyiinta ah, khaasatan waxaa wax lala socdo ah in yuusuf xasan oo ah nin soomaalida kenya ah uu ku guulaystey doorshadii hore ee xaafadda islii oo walibana imikana uu u ordayo in dib loo doorto waxaana xaqiiqo ah in jaanibyo badan oo iska xijinaya degaanka ay islahaysiinayaan xaafadaas iyo jagooyinkeeda kuwaas laftooda inay falkaas ka dambeeyaanna waa dhici kartaa.
    sidoo kale cid kale oo suuro xumeyneysa islaamka iyo dadka muslimiintaanna waa macquul inay ka dambeeyaan marka yaannaan ku degdegin arrinka oo aannaan qacdii yeertaba dusha ka saarin hal jiho sidaasina cadawga ummaddaan oo jihooyin kala duwan ka jira ayaa ku qarsoomaya, wax la hubona weeye in falalkaan cidda kusoo kordhisay gobolka ay tahay cid fasaad badan kusoo kordhisay geeska afrika iyo muslimiinta deggan ama majority ha noqdaan ama minority-ba ha ahaadaane.

  4. salaamu calaykum
    qaraxa waa ajando badane lagu baneysano dhiiga dadka muslinka ah .xildhibaan masjid ku soo tukaday iyo shacab muslin ah bam ku tuur oo ka dibna carar walaahi waa yaab waa manhaj caqiim ah oo liita meelna ma gaaro. aqli xumadaas waa tan maanta SH/Dhexe ay amisom qarka u soo fuushay
    ilaahow muslimiinta xifdi adigaa awood lehe aaaamiin

  5. Subhanalah

Leave a comment

*