Qarax ka dhacay meel aan ka fogeyn Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi

December 16, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa daqiiqado ka hor ka dhacay dhabarka danbe ee Masjid ka Alhidaaya ee magaalada Nairobi qarax  aan ilaa hadda la aqoon cidda  ka danbaysa ,qaraxa ka dib ayaa ciidanka Booliska ay soo gaareen goobta iyagoo dhamaan xiray wadooyinka soo gala Masjidka , qarax ayaa dhacay  8:35 xil wax yar dadku ay ka soo baxeen salaadii cisha

Qarax dhacay ayaa la sheegayaa in uu ahaa ilaa 3 qarax oo ka dhacay xaafada Kambaniyada ee u dhow Masaajidka Hidaaya ee Jaamka  waxaan warar hor dhac ah oo soo gaaray Halgan.net ay sheegayan in Bam gacmeed lagu werraray baar lagu cabo khamriga oo ku yaal Buufalo waxaan ku dhaawacmay hal qof, qarax  caawa ayaa ah kii 2aad oo lala eegto goob u dhow Masjidka Al-hidaaya oo maalmo ka hor qarax bam ah lala bartilaamsaday dad muslin ah oo ka soo baxayey salaadii cishe.

Qaraxyada  ka dhacaya magaalada dalka Kenya ayaa waxaa ay ka dhacayaan goobaha ay degan yihiin dadka muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida iyadoo arrinkaas ay welwel ku abuurtay dadka soomaalida ah, ciidanka Booliska Kenya ayaa markii uu qarax dhaco iyagu waxaa ay bartilaamsadaan dadka Soomaaliyeed si ay wixii lacag ah ay uga furtaan una jir dilaan.

Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ayaa markii qarax uu dhaco waxaa soo weerara dadka Kenyaanka ah oo iyagu dil iyo boob iskugu dara bulshada Soomaaliyeed gaarayna in ay kufsadaan gabdhaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah sidda dhacday maalmihii qaraxyadu ka dhaceen magaalada Nairobi iyo Gaarisa.

Wixii ku soo kordhaa kala soco warkeena dambe  hadii aale idmo.

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online