Qarax xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

December 6, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay qarax uu ka dhacay xaafada  Section 3 ee magalada Nairobi qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Kenya .

Wararka ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegaya in 8 qof ay ku dhaawacmeen qaraxii caawa sida uu sheegay taliyaha amaanka magaalada Nairobi Moses Ombati.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Supermarket loo yaqaan Joster halkaas oo ay ka dukaameystaan ciidamada Booliska dalka Kenya.

Shacabka ku dhaqan magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii ayaa xalay durba ku xarooday xaafadahooda iyaga oo ka baqanaya ciidamo lagu soo daadiyey xaafada Islii iyo xaafada Section 3 ee magalada Nairobi ee uu xalay qaraxu ka dhacay ay dhibaato u geystaan.

Qaraxyada ka dhaca magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay fuliyaan kooxo ajande qarsoon leh waxaana ilaa haatan loo qabtay dad aan Soomaali ahayn.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online