Qardho oo laga joojiyey Shirarka siyaasadeed aysan dowlada ka warqabin

December 28, 2012 - Written by

Qardho:-Kulan ay isigu yimaadeen Masuuliin ka tirsan dowlada Puntland oo lagu qabtay shalay  hoolka shirarka ee degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka iyo in aan Degmada Qardho lagu qaban karin  shirar siyaasadeed oo aysan dowlada ka war qabin.

Kulanka shalay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ,gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan ,nabadoono iyo waxgarad ,si weyn looga yaqaan Degmada Qardho waxaana kulanka ka dib la isla qaatey in laga wada shaqeeyo amniga gobalka Karkaar iyo dhamaan deegaanada Puntland .

Wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa la hadlay saxaafada waxaana uu ugu baaqay shacabka ku dhaqan Degmada Qardho in ay ka wada shaqeeyaan xoojinta amaanka waxaana uu sheegay in dhamaan waxgaradka iyo Nabadoonada gobalka Karkaar ay arinkaas isku afgarteen.

Dhanka kale gudoomiyaha gobalka Karkaar Cabdi Quraan ayaa sheegay in aysan marna u dulqaadan doonin shirar siyaasadeed oo uusan maamulka gobalka iyo kan Degmada aysan la socon wuxuuna si cad u sheegay in aan lagu qaban karin Degmada Qardho shirar siyaasadeed oo aysan dowlada ogeyn.

Baaqyadan ka soo baxaya wasiiru dowlaha Sharciga madaxtoyada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyr iyo Cabdi Quraan Gudoomiyaha Gobalka Karkaar ayaa ku soo aadaya xili ay xaalad siyaasadeed oo cakiran ay ka jirto Puntland taas oo u dhexeysa Dowlada Puntland iyo siyaasiyiin horey wasiiro u ahaa oo haatan mucaarad ah.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online