Sh.Daahir Aw-Cabdi oo kalimada wacdi ah ka jeediyey kulan ka dhacay Boosaaso.[Dhagayso]

December 4, 2012 - Written by

Boosaaso:-Sh.Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah Culumaa’udiinka ugu waa weyn dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kalimada wacdi ah oo diini ah ka jeediyey kulan lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayna ka soo qayb galeen Madax weynaha Dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole,Wasiirka amniga Col. Khaliif Ciise Mudan, gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Salaad Xareed Cali ,Gudoomiyaha Gobolka Bari ,Cabdisamad Maxamed Gallan, Ganacsata magaalada Boosaaso , Isimo iyo waxgarad kale.

Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa dadkii meesha iskugu yimid waxaa uu xasuusiyey in qof walba uu u diyaar garoobo maalinta aakhiro iyo in dadku ay ku dadaalaan wadajirka iskana ilaaliyaan khilaafka wax burburinaya, Sh. Daahir Aw-Cabdi ayaa dadkii goobta iskugu yimid ugu duceeyey in alle is waafajiyo wax ay afka ka leeyihiin iyo qalbi gooda alle umada uu ka dhigo kuwo alle waafajiyo wax ay dani ugu jirto.

Sh.Daahir Aw-Cabdi  ayaa sheegay in uu jecel yahay in umada Soomaaliyeed ay noqoto mid wanaagsan oo alle caabuda iyo in maalinta qiyaamana ay noqdaan kuwo badbaada. Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa sheegay in umadu ay guul  gaari karto markii ay alle ay u gargaaraan iyagana markaas ay helli doonaa gargaarkii aakhiro iyo kii Aduun labadaba.

Sh.Daahir Aw-Cabdi ayaa xusay in dadku ay alle ugu gargaari karaan in wixii alle amrayna inta ay awoodaan ay la yimadaan wixii laga reebayna ay ka fogaadaan. Sh.Daahir Aw-cabdi ayaa waxaa uu ku booriyey ganacsadata , masuuliyiinta dowllada iyo dhamaan dad weynaha in laga qayb qaato siddii loo dhisi lahaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, Shiikha ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso aysan degi karin diyaaradaha waaweyn taasna ay sababtay markii ay xajka ka yimaadeen in ay ka soo degaan garoonka Berbera ka dibna ay ka soo raaceen diyaarad yar taas oo Shiikhu uu ku tusaalaynayey dadka  ahmiyada ay leedahay in la taageero dhismaha garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

Shiikh.Daahir Aw-cabdi ayaa madaxda dowllada Puntlland u soo jeediyey in ay u fasaxaan dadka in ay hadlaan  oo wixii ay ku  khalad u arkaan ay sheegaan taas oo ay ku jirto wanaag iyadoo ay ilaalinayaan anshaxa iyo usluubta,isagoo dhinac dowllada mucaaradsan u soo jeediyey in dalka aan la gelin fowdo ama abaabul mudaharaad dhalin kara fowdo iyo khalkhal.

Shiikh.Daahir Aw-cabdi ayaa xusay in culimo’udiin uu ka mid yahay ay hadda ka hor ka hortageen Makiinado lagu samaysan jiray lacagaha Faalsada ah ee been abuurka ah ka dibna ay joojiyeen ka dib markii ay wax u sheegeen dadkii lahaa Makiinadahaas  ayna aqbaleen codsigii ay culimada u jeediyeen.

Ugu danbayntii ayaa Sheekh Daahir Aw-cabdi waxaa uu ku soo xiray kalimadiisii arrimo dhow ah oo uu shiikhu u arkayey in ay tahay muhiim in laga wada shaqeeyo dhamaan dadka haddii ay yihiin , Isimo, culimo’udiin, waxgarad, dhalin yaro rag iyo dumar iyo Madaxda dowllada waxaan ka mid ahaa.

1- In la midoobo laga fogaado kala taga iyo in lagu dadaalo midnimada iyo in lala yimaado waxqabad.

2- In laga shaqeeyo nabadgelyada iyo amniga si horumar loo gaaro oo aan lagu eegan oo kaliya ciidanka Booliska.

3- In laga shaqeeyo wixii maslaxa ugu jirto dalka gaar ahaan dhinac amniga iyo horumarnka gaar ahaan dhismaha garoonka Boosaaso.

4-  In Maxjar xoolaad laga sameeyo degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

5- In dib loo dardar geliyo Maxjarkii weynaa ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

6-  In wixii khilaaf ah oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgarad, si loo adkeeyo amniga iyo nabadgelyada  bulshada.

Hoos ka dhagayso Kalimadii Wacdiga ahaa ee uu Shiikh daahir Jeediyey [Source codka Raxanreeb.com]

[audio:https://halgan.net/Mp3/ShiikhDaahir.mp3]

M_M_Deeq
Boosaaso

 

.

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc
    Jizakumullahu khayran walaalaha halgan dadaalka
    Aad wadaan ee ku aadan wacyi gelinta bulbs hada
    Iyo faafinta khayr ka, waxaan mulaaxado ka qaba
    Codadka aad ka soo qabataan culumada AMA
    Warbahinta ood moodid inaad ugu talo hash aan
    Dad software qaas ah haysta, waxaa common ah
    Mp3 real player , media player etc, miyey adag
    Tahay inaad codadka ku soo gudbisaan, waxaan
    Filayaa in horena mulaaxadsdas la idiin ku
    Soo gudbiyey
    Wscw

Leave a comment

*