Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo socdaal dacwadeed ku tagay Magaalada Jigjiga

December 1, 2012 - Written by

Jigjiga:-Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa socdaal dacwadeed ku tagay magaalada Jigjiga ee xarunta gobalka Somali galbeed waxaana si weyn ugu soo dhaweeyey culumada iyo Ducaada ku sugan magaalada Jigjiga waxaana uuna caawa muxaadaro ka jeediyey Masjidka Al-Nuur ee magaalada Jigjiga.

Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa waxaa uu caawa muxaadaradiisa uga hadlay (Cudurada ku dhaca Qalbiga) waxaana aad u soo buuxdhaafiyey Masjidka Al-Nuur dadweyne aad u tiro badan waxayna aad u soo dhaweeyeen Sheekha waxayna aad ugu farxeen wacdiga iyo socdaalka dacwadeed uu ku yimid magaalada Jigjiga.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadarada uu Sheekh Maxamed Cumar Dirir uu ka jeediyey caawa Masjidka Al-Nuur ee magaalada Jigjiga marka ay na soo gaarto hadii alle idmo.

Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. ما شاء الله أن أسأل الله أن يبارك علمائنا , والله أكاد أطير فرحا حين قرأت هذه البشرى السارة ,

  2. Maasha allaah. Ilaahay ha barakeeyo sheekheenna..shacabka reer jigjiga iyo somali galbeed oo dhanna Ilaahay ha u gargaaro, annagana dhibka iyo nidaam la’aanta Ilaahay hanaga saaro Aamiin Aamiin…….

  3. Maansha’allah, khayr alle ha siiyo sheekha, runtii waa loo bahanyahay kheekha iyo culimo kalee oo badani inay tagaan oo dadka la wacyi galiyo dhinac walba, culimada iyaguna jigjiga joogaa waa inay tagaan dhanka hargaysa. runtii waa arin farxdbadan leh. jaza allahu khayra al jazaaa.

Leave a comment

*