Sheekh Maxamuud Shible iyo Sheekh Maxamed Umal oo ka hadlay Qaraxii xalay(Dhageyso)

December 8, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Sheekh Maxamuud Shible ayaa maanta salaadii duhur ka dib ka hadlay qarax xalay ka dhacay masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya qaraxa ayaa waxaa uu dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii ka soo baxay masjidka salaadii cishe ka dib.

Labada Sheekh ayaa marka hore tacsi u diray dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay banaanka masjidka Al-Hidaaya waxayna sidoo kale alle uga baryeen in uu dadkii ku dhaawacmay in uu caafimaad taam ah alle siiyo.

Sheekh Maxamuud Shible iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku tilmaamay ficil aad u danbi weyn in qarax ama bam lala bartilmaamsado dad muslimiin ah oo ka soo baxay salaadii cishe waxayna alle ka baryeen in alle kashfiyo gaal iyo muslim ciduu doono ha ahaadee cida ficilkan xun ka danbeysay

Culumada ayaa sheegay in khasaaraha gaaray dadka muslinka ah uu gaarayo 8 dhimasho ah dhaawacana uu u dhexeeyo 15-ilaa 30 qof wilina waxaa socda tirikoob dadka ku jira isbitaalada xaafada Islii.

Culumada ayaa dadweynaha ugu baaaqay in ay joojiyaan rabshadaha iyo dhagax tuurka iyada oo xalay markii qaraxa uu dhacay ay dadweyne ka careysan qaraxa ay dhagxaan ku weerareen askartii soo gaartay goobta qaraxa uu ka dhacay.

Hoos Ka Dhageyso Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlaya qaraxii xalay ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya

[audio:https://halgan.net/Mp3/ShUmal_qarax.mp3] ama Halkan MP3
Hoos Ka Dhageyso Sheekh Maxamuud Shible  oo ka hadlaya qaraxii xalay ka dhacay Masjidka Al-Hidaaya

[audio:https://halgan.net/Mp3/shible_qarax.mp3] ama Halkan Mp3

Yaasiin Ahmed Cabdi
Nairobi
Kenya

 

6 Comments so far

Leave a comment

  1. masha allaah waxaan illaahey uga baryeynaa culimdan inuu illaahey inoo xifdiyo inta wanaaga lajecel umada somaliyed.waxan sigaar ah ugu duceynayaa walaalaha aan illaahey dartiis ujeclahay oo kala ah Sheikh Mohamed Abdi Umal, Sheikh Mohamud Shible.

  2. inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun intii dhimatay allah u naxariisto inta dhaawaca ahna allaha caafiyo culimadana allaha xifdiyo culimada waxan kula dar daarmayaa inay aad u feejignaadaan waxan isleeyahay nimanka ficiladan gaysanaya cidna uma aaba yeelayaan waa shayaadiin aan rabi ka baqayinin ilaahay ha fashiliyo cidii kadambaysay

  3. ilaahay ha idin xifdiyo culimada

  4. masha alaah culimadeena alle ha xifdiyo waan sugaynay warkooda waa in la maqlaa culimada oo reer nairobi ay ku dhaqaqaan hdlka culimada ooy say u shegen u fuashadaan

  5. Maashaa allaah culimadeena qiimaha iyo qaayaha uleh soomaaliyeed alle ha xifdiyo cimrigoodana ha u barakeeyo aaamiin

  6. maasha alah culimadeedana allah xafido codkiina wan sugeynaa

Leave a comment

*