Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo xalay lagu xiray magaalada Nairobi

December 26, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan sirdoonka dalka Kenya ee loo yaqaano CID ay xalay goor dambe gurigiisa kala baxeen Sheekh Xasaan Xuseen Aadan oo ka mid ah culumada iyo ducaada magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sheekha Xasaan Xuseen ayaa la xaqiijinayaa in xalay uu u hoyday xabsi ku yaal magaalada Nairobi ,ilaa haatan lama yaqaan sababta loo qabtay Sheekh Xasaan Xuseen Aadan.

Ma aha markii ugu horeysay ee Sheekh Xasaan la xiro waxaana horey loogu xiray magaalada Nairobi walow markii danbe xabsiga laga sii daayey. Xariga Sh Xassan Xuseen ayaa ah mid arrimo siyaasadeed ay ka leeyihiin dowllada Kenya  si ay dad weynaha reer Kenya ugu muujiyaan in bulshada Soomaaliyeed ay qayb ka tahay qaraxyadii ka dhacay Nairobi iyo Magaalada Gaarisa oo dad badan oo soomaali ah lagu dhacay xoolahooda laguna dilay.

Culimo iyo ducaad ku sugan magaalada Nairobi ayaa wada dadaal ay ku doonayaan in ay ka sii daayaan Xabsiga Sheekha Xasaan Xuseen  Aadam Alle waxaan uga baryeynaa in uu Xabsiga dulmiga ah uu ka soo daayo Sheekha Xasaan Xuseen culimada kalena ee ku nool Kenyana uu sharka ay wadaan kuwa naceb diinta iyo dadka ehelkooda ah uu ka badbaadiyo.

Wixii ka soo kordha xadhiga Sheekh Xasaan dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaaah

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

21 Comments so far

Leave a comment

  1. السلام عليكم ورحمة اللله وبركاته.. Salaan kadib , sheikha, ilaahay haxifdiyo, mas,alooyin badan oo shekha laguqabsaday waayjiraan, hasse ahaate wax kaqanciyo wuu waayay (debate) ama dood cilmiyeed wax la wadaago anugu ma,arag. Mas,alooyin uu kufogaaday waay jiraan, oo sida taariikhdu qorayso kadhax dhici jiray culimada hore ee salafka , innaga kasoomali ahaan waxaad moodaa khilaafyadan naacai inaay nagu cusubyihiin .runti Waan u,hambalyeynayaa shabakad halgan.net oo wax kaqortay dhibka loo geestay sheekha, khilaaf wuu dhicikaraa marka sidan oo kale waa in laysudamqado, Laga yaabo masaa,ilakanna in xal loo helo oo culimadeena sharafta leh aay kumidoobaan. Shukran

  2. assalaamucalaykum
    midi waa manhajka xasaan midna waa jeelka
    ta manhajka xasaan laysku raac inuu khaldan yahay khawaarijta uu wudadoodi hayaan
    ta jeelka waxaan jeclaa in lagu xidho somalia ama somaliland puntland wadamada islaamka si maxkamad sharciga islaamka waafaqsan lahorgeeyo

  3. aad baan ugu xumahay halgan.net walalaha qora ay u duceeyaan Xasaan ayagoo og in uu qabo in culimada la laayo. waa arin farxad leh in lagu saladay kuwa kale sababtoo culimadii ayaa laga reebi waayay.ninkaas fidno ayu faafiyaa ee allaha qabto shartiisa.

  4. Waa yaab walaahi, waxaan filyaa warbixintaan waxa so qorey dad waxagrad aan aheyn, ninkaan takfiirka ah ee manahajka gurcan qaatay in sharkiisa umada laga xiro waa wax wanaagsan hadi aad leedhina gaala ayaa xirtay dee gaaladu iyagaa dalka iska leh oo idinkaa doontay iyagu idinma imaan mida kale in culumada dhiiigooda la xalaashado oo la galaysiiyo ma waxy idn la tahay arin fudud oo looga tanasuli karo xarig siyasadeed ? !! nabigu scw waxa uu yiri ruuuxii walaalkiis oo muslim ah gaalaysiiya labadooda mid bay qaban ama sida mecnaha xadiiska, xasaan xuseen ama isagay qaban fatwada ama culumada ummada
    ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu sharkiisa naga qabto oo afkiisa ood alle saaro iyo inta la fikrika ahba

  5. A/C WALAALAYAAL ILAAAH HORE AYUU NOOGU SHEEGEY GAALO IN AYSAN NAGA HARAYNIN ILAA MEESHAAN GALO INAGA SOO DABA GALAAN WADAAD KAA QAALIGA AH ALAAH AYAAN WEYDIISANAYNAA IN UU KA XOREEYO GAALADA OO UU AWOODIISA UGA SOO DAAYO SHEEKHANA ALAHA SOO HANUUNIYO ANAGANA ALAAH AYAAN HANUUN KARAJEYNAYNAA KEENYA WAA WADAN GAALO OO MA AHAN WADAN MUSLIM AWOOD KUMA LIHIN EE ILAHAYOW NAGA QABO GUMEYSI TOOS AH IYO MID DADBAN AYEY NAGU HAYSAA

  6. walal sheekha ilah ha soo furdaamiyo koley aniga wan dhageystay casharadiisa wax hada qawarijna kum arag waadna mahad san tihin halgan culimada nairobina qeer allah siiyo

  7. asalamu calaykum waxaan leeyahay sheekha xabsigiisa halagu hayo si fasaadkiisa looga qabto umadda waa ninka keliya eeku dhiiraday in uu culimada caayo amrana in lalaayo marka wuxuu kaloo sheegtay inuu taageersan yahay al shabaab al shabaabna waa cadowga umadda soomaaliyeed eedagan keenya marka kiinya xaqbay uleedahay inay iska qabto wixii khalkhal kuwada waa inuu arkaa oo dareemaa dhibka uu ku hayo umad iyo qaraxyadu uutaageerayo

  8. Walaalayaal shiiq xasaan xuseen mas,alo ayaan isku diidan nahay oo ah gaaleeysiinta iyo dhiiga muslimka ah oo la baneeysto,laakiin waxaa leeyahay asaga iyo kuwa ku fekerka ah إخواننا بغوا علينا ee ilaah gacanta gaalada haka soo saaro asaga iyo anagana alaha xaqqa hanagu hanuuniyo.

  9. Acww.
    Waxaan qabaa inay sax tahay inoo loo duceeye shiikhaan allena loo baryo inuu ilaaliyo sharaftiisa iyo cirdigiisa,waayo waa nin xambaarsan cilmi waloow ay jiraan tabasho iyo gef yaana laga yaabo inuu soo laabto allena cafis weydiisto,waxaa la inaga rabaa inaan ahaano kuwii wanaaga u taagan ee aan xumaan xumaan ku gudin alle dartiina wax u saamaxa,khuluqa fiican ee aan muujinaa waxaa laga yaabaa inuu saxo wax badan,mana ogin waxa ruuxu ku damayn doono ee aan isu ducayno in xaqa iyo wanaagu guulaysto.

  10. Salaamu Calaykum

    walaalaha Islaamka ha ku fogaanina Xasaan waa Islaam aan ma,salo isku diidanahay laakiin gaalo ayuu gacanta ugu jiraa wixii khilaaf muslimiinta waa baab balse gaal qof muslin ah uu heysto waa in muslinka loo duceeyaa in alle ka sii daayo wixii khalad ah uu galana laga saxo oo culumo baa joogta oo saxi doonta inshalaah ee aan iska ilaalino xadgudubka .culumada Nairobi shible iyo umal baa qeyb ka ah sii deyntiisa ee alle aan ka baqno

    ws

  11. a/c wrwb ALLAH ha idin xifdiyo dhamaantiin AAMIIN sheikh xasaan xuseen aadan hada fikirkiisu waa qaldan yahay laakiin ha loo duceeyo iinsha AALAH marbuu ka soo noqondoonaa fikirka uu qabo imisaa culumo qaldamaysay oo gadana ay ka soo noqdeen

  12. suaasha haddaan kajawaabo xasaan marna in lagu xukumo daal nin lusan marna in loo duceeyo waa isbaranbarin markaa de waad fahantahay
    ninkani in uu lusan yahay soo tii wadaadada ictisaamku bayaan ay kasoo saareen oo ay dhaheen waa khawaarijta fogatey de markaa
    de xasaan waa lunsanyahay ee uduceeya hidaayad laa qayr jeelka waxa kadaran uu kujiro dadka uu ku ababinayo ictisaam salafiyiin waa gaalo

  13. asc wr wr ya ayuhal muslimin
    salan kadib waxan jelan laha in aan cadalada laga tagin raga comentiga sobixinaya e leh rux islam ah galo gacanta ugu jira ma sodayeen wlhi tas wey ka foktahay diinta islaamka raxmadeda ,qowlki imamu shafici e aha hadi aan mas alo isku qilafnay alasna iqwah miyanan walalo eheen .

  14. Asc, waxaan fahmi waayay wadaadkaan soomaaha wadaadki layiri yaa wax laga dhageesan waa takfiire, waamaxay hadana ducaada iyo culumaau diinka Kenya oo kamid yahay. Walayaal qofkii wax igu djaamo ha ii sharaxo arrinkaas, waad mahadsantihiin.

  15. waxaa is weydiin mudan nin marna takfiir lagu tuurayo iyo umad SOMAALIYEED YO CULIMAADOODA fasaad ka dhexwado marna la doceynayo oo la oranayo allow gacanta cadowga ka soo daa….. WAA MAXAY???????!!!!!!

  16. Ascww
    walaalayaal qofkii muslim ah ee gacan cadow ku jira allaha ka saaro, balse anigu waxaan u haystey in Sheekha la xiray iyo xertiisu ay dhibaatada ugu badan ku hayaan diinta islaamka iyo muslimiintaba. Waayo waa ninkii fatwooday in la dili karo culimada haday taageeri waayaan fikirka tadarufka ku dhisan ee Culimada lagu laayey. Qof masaajid gelaya iyo mid ka soo baxaya ayaa sheekha fatwadiisa loo adeegsadey in dhiigooda lagu bannaysto. Halgan group waxaan weydiin lahaa ma war hoosaad sheekha ka haysaan oo waa ka toobad keenay dilkii Dr Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan, mise idinkaa dhankiisa u janjeersaday.

    wscww

  17. فقد أحسنت الظن لشيخ العلامة حسان حسين جزاك الله خيرا

  18. Asc wr
    Maasha allah waxan jeclaystay sida daacadnimada iyo caddaaladda ka muuqato afxumaduna ka maran tahay eed u hadashaan akhbaarta iyo culuumta diintana u gudbisaan ogaadana intaa caddaaladda u dhowdihiin ayaa ilaahay idinla jiraa.waana mahadsan tihiin.
    wsc wr wb

  19. ascwrwb.yaa axbaabi filaah. waxaa mahad balaran leh allah swc.jalajalaaluh.intaa kadib.waxaan leyahay walalaha.halgan.ilahay ha idin xifdiyo.waxaan qabaa sual taas o ah wadadakan hada laxiray so ma ahayn wadadkii fadwooday.in ladilo culimada xitaa lagu dilo karo xaramka.marka side isu qabaneysaa.wadad dhib ku haya umada islamka.una fatwoonayo in lalaayo culimada.iyo umada shacabka ah meel kasta ay jogan.in ladhoho.hala sodaayo.aniga koley maso daynlahayn waa dood furan wjzk hadii aan ari wax khaladan waa aniga iyo shadaan hadi an wax tosiyayna ilahay swc.mezanka akhiro ha isaaro ilahay ha idin xifdiyo fidunyaa wal akhirah

  20. sh xasaan maanta cadow gacantiis buu ku jiraa,alla ha uga kaalmeeyo magrigooda laakiin waxaad ogaataan qofkii walaalkiis dhiigiisa iyo cirdigiisa baneeya in isagana cadow dhiigiisa baneysta alle ku saladayo.
    ee halaga digtoonaado arimaha noocaas oo kale ah’

  21. asc awalan waxaa mahad iskahel allaah, waxaa kaloo mahad u celinayaa halgan.net oo ah shabakad marwalbo jacel in culumada iyo ducaada ay la qeebsato dhibta haaysato bulshadana u soo bandhigto dulmiga lagu haayo ducaada.allaah waxan ka baryaa inuu xuriyadiisa u soo ceniyo sheekhunaa shiiikh xasaan xuseen aadan allaah ha xafidee. culumada kana allaah ha inoo illaaliyo

Leave a comment

*