Shirweynihii sadexaad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee South Afrika oo habsami ah u socda

December 29, 2012 - Written by

Waxaa Si habsami leh u socda shirweynihii 3aad ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool South Africa, oo qaybtiisii 1aad ka furmay Masjid Al shaafici magaalada Johannes burg 24/12/2012 ilaa 27/12/2012.. Qaybtii 2aadna waxay shalay 28/12/2012 ka bilaabatay Masjid Assunnah, Xaafadda Bellville ee Magaalada Capetown, kaasoo soconaya ilaa 31/12/2012.. Qaybta 3aad ee Mu,tamarkana wexey ka bilaaban doontaa inshallaah 1/1/2013Magaalada Port Elizabeth .Kadibna Culimadu wexey Booqashooyin dacwo ku mari doonaan inshallaah sida caadadaa gobolada kale ee somalidu ku nooshahay dalkan South Africa sida Rustenberg, Polokwane, Zanin, Mbumalanga, iyo qeyrkood..Sababta shirka meelahaa kala duwan loogu qabtana waa kala fogaanta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo xoogsato ah, ganacsiyo yar yar oo aan la xiri karin ku leh meelahaas oo dhan, dacwadana aad ugu baahi qaba, taasoo ka duwan sida qurbaha meelihiisa kale sida yurub iyo America.

no images were found

Shirweynaha waxaa soo qaban qaabiya sannad walba waqtigan oo kale, Dallada Masaajidda iyo Dacwada Soomaaliyeed ee ALBAYAN ISLAMIC COUNCIL TRUST oo ah Dallad dalka si weyn looga yaqaan, isla markaana kulmisa badanaaba masaajidda iyo maraakista iyo madaarista soomaalidu ka dhistay dalkan South africa, iyo adeegyada dacwada jaaliyadda sida madaarista, arrimaha qoyska, maxkamadda garsoorka dadka soomaaliyeed oo lagu kala saaro shareecada Islaamka, aaska iyo diyaarinta janaazada, ciidaha iyo arrimaha la mid ah..

Shirka qaybtiisa labaad oo shalay casarkii 28/12/2012 laga furay waxaa kasoo qayb galay dhammaan Culimada shirka sanadkan lagu casuumay oo kala ah:

1) Sh. Maxamed cabdi umal                        Kenya

2) Sh. Maxamed cisman calasow.                Kenya

3) Sh. Cabdiraxim Abulceyneyn.                 Kenya

4) Sh. Maxamed idris.                                  Sucudiga

5) Sh. Cisman Cali Faarax.                            Uk

Waxaa shirka kelmad furitaan ka jeediyey imaamka masjid assunnah sh. Cabdullaahi, kadibna waxaa hadlay ilaa 4 ka mid ah odayaasha magaalada capetown oo soo dhoweeyey culimada iyo shirka, kadibna waxaa kelmad isugu jirta soo dhoweyn iyo gabay faallo iyo duco ah soo jeediyey Sh. Maxamuud maxamed adar, kadibna waxaa bilaabatay muxaadaradii 1aad oo uu soo jeediyey sh. Maxamed Cabdi Umal kuna saabsanayd (sidee qalbigu ku nuuraa) bacdal maqribna waxaa dhacday muxaadaradii 2aad oo uu soo jeediyey Sh. maxamed idris kuna saabsanayd ( qiimaha waqtiga iyo ka faaiidaysigiisa). Waxaa Muxaadaraadka soo xaadiray dadweyne aad u fara badan oo masjidka buux dhaafiyey, bannaanada ayaa waxaa loogu dhejiyey shaashadu ay kala socon karaan.

ALBAYAN ISLAMIC COUNCIL
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha allah allaha xafido culimadena cilmigodanada

Leave a comment

*