Sh.Maxamed Cumar Dirir oo si aan horay loo arag loogu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga.[Masawirö]

December 3, 2012 - Written by

Jigjiga:-Sh.Maxamed Cumar  Dirir oo ka mid ah culimada ugu caansan Geeska afrika laguna bartay Dacwada iyo daraasaynta Cilmiga sharciga ah gaar ahaan Tafsiirka Qu’aanka kariimka ayaa socdaal dacwadeed ku yimid magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka soomaalida. Sheekha oo soo gaadhay magaalada jigjiga habeenkii Axada ayaa waxaa si aad u heersaraysa u soo dhoweeyay Culimada Deegaanka, Sheekh Maxamed Dirir ayaa muxaadaro ka jeediyay masjidka Al-Nuur ee ku yaala Xaafada seddexaad oo ah badhtanka magaalada Jigjiga makhribkii habeenkii Axada.

Muxaadaradan oo uu sheekhu kaga hadlay cudurada ku dhaca Qalbiga  iyo dawayntooda ayaa waxay ahayd muxaadaradii ugu dadka badnayd ee uu shakhsi ka jeediyo caasimada jigjiga. Masaajidka muxaadarada lagu qabtay oo ka kooban ilaa 2-bo dabaq ayaa la sii buux dhaafiyay salaada makhrib ka hor. Waxaana dadku ay ku tukadeen banaanka iyo laamiyada . Waxaa nasiib lahaa qofkii ku tukaday meel uu ka maqlaayo makaroofanka Masjidka.

Sh Maxamed Cumar Dirir ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku tegay magaalada Jigjiga waxaa ku weheliya  Sheekh Axmed  Cabdi Samad   iyo culimo kale waxaan intii ay joogeen ay ka jeediyeen muxaadaraad qiimo  badan oo dadweynuhu ay aad uga soo qayb galeen, Culimada ,ducaad ku sugan magaalada Jigjiga ayaa iyagu ku mashquulsan soo dhaweynta culimada socdaalka dacwadeed ugu yimid.

no images were found

Ka dib markay dhamaatay muxaadaradii ayaa waxay dhamaan dadku isku dayeen in ay arkaan oo ay salaamaan sheekha Dirir  taas oo lagu xaliyay in sheekhu uu fuulay minbarka ka dibna u halkaas ka salaamay dadkii .

Dadkan ayaa ku dhawaqaayay takbiir iyo Sheikh Dirir waa in aad nala joogtaa ugu yaraan 3bilood taas oo sabab tay in oohintu is qabato masaajidkii. Sheekha ayaa sidoo kale lafadhiistay culimada iyo maamulka Hay’adda Alsuna ee Dacwada iyo Waxbarashada. Sidoo kale sheekha ayaa booqday goobo waxbarasho oo uu ka midyahay  machadka Al-Nibraas oo dhowaan ay furtay Hay’ada Alsuna.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta marka ugu horeysa oo ay soo gaarto Muxaadarada Sheekh Maxamed Cumar Dirir uu ka jeedshay Jigjiga.

Halgan.net

21 Comments so far

Leave a comment

  1. Asalamu Alaykum

    Waxaan walaalaha ogeesiinayaa website layidhaahdo http://www.alxikmaonline.com oo ka helaysid sheekh Dirir Tafsiirkiisa oo video ah Daawa.

    salamu calaykum

  2. Manshalaah Tabarakalaah Nimco aad u wayn baa ka dhacaday jigjiga manshalaah rabi ha idiin siyaadiyo reer jigjigaw ilaahayna ha ka abaal mariyo culimaa u dinta dacwada fidinaysa aamin aamin

  3. sheekh maxamed cumer dirir waa sheekh ku sifoobay akhlaaq dhawrsanaan aftahnimo iyo balaaqo ilaahay siiyay waxaan leeyahay ilaahayaw u siyaadi aamiin

  4. mansha alaah aad ayaan ugu farxay sida wanaagsan ee reer jigjiga diinta ilhay u jecel yihiin marka labaad waxaa mahad iska leh allahii garansiiyay wanaaga iyo diinta culimada somaliyeedna waxaan ilhay uga baryaynaa in ay isfahmaan sidaa shiikh dirir oo kalena ay wada noqdaan daaci miidhan amiiiiiiiiiiiiin

  5. Masha ALLAH,
    Sheikh Mohamed Sheikh Omar Dirir ALLAH ajar iyo xasanaad haka siiyo.
    Waa Sheikh Caalim ah.

  6. Scww dhamaaan umada islaamka ah gaar ahaaan umada afsoomaliga ku hadasha o dhan intaaa ka dib waxaaan leeyahay sheekh dirir ilaahay ha ka siiiyo abaaaal sida wanaaagsan eee aaad dadka u gaadhsiinayso khayrka sheekhu sweden ayuu noogu yimid waa laga xiisa goyn waayay waaa balaaqi sheekhu mansha allah halkaaa ka sii wad dacwada ilaahay ha kaaa ajar siiyeee reeer jig-jigana waxnaaan leeyahay khayrka isku kaaashada si aaad u liibaantaaan
    wabilaaahi tawfiiq

  7. Assalaamu alaikum waraxmatulahi wa barakaatuhu, Marka hore ilaahay aya mahad iska leh inaga yeelay dad ku dhashay islaamnimo, kuna barbaaray, rajaynayana inay ku dhintaan islaamnimadaas, intaa ka dib sheikh mohamed cumar dirir ilaahay haka abaal mariyo faafintaas iyo u heelanaaanta diinta islaamka…….. ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro dadka reer jig jigana ilaahay haka yeelo qaar ka faaiidaysta duruusta uu sheekhu bixinayo…. ameen

  8. maan shaallah waataa SHANTII SOMALI ISRAACDAY marhadii silaanyo iyo xasan sh maxamuud iyo ismaaciil cumargeele jabuuti isugutageen sh dirirna jigjigatagay waxaa inaga maqan oo kaliya NFD kinya haysato sheekhana allah habarakeeyo qalbigeena iyo ka islaamka oodhan allaah haysusoodhaweeyo
    AAMIIL AAMIIN

  9. Alle ha barakeeyo Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir wacdiga iyo waanadana ilaahay ha inoo aqbalo waxa kale oo sharaf iyo amaan mudan bulsho waynta reer Jigjiga ee sida sharafta iyo qiimaha leh u soo dhawaysay Mufdiga Soomaaliyeed, waxaan leeyahay waa sooryo islaameed iyo sooryo sharafeed taariikhdu idiin qori doonto alle ha idin barakeeyo oo nabad galyo iyo wanaag ha idinku gaadhsiiyo kulamo kan la mid ah hadii alle ogolaado.

  10. alla yabarik ilaahay ha barakeeyo dhamaan umada muslimiinta ah ilahay ha walaleeyo umada somalida ah is\jacaylna haysku galiyo

  11. Jazaa akaLLAAHU kheyr sheekh maxamed sh cumar dirir ILAAHAY ajar iyo xasanaad hakaa siiyo kheyrka aad walaalaha muslimka u gudbiso meelkasta oo aad awoodo inaad tagto.

  12. Maasha Allah .. waxaan filayaa in badan markaad nimcada haysato ma dareentid lkn marka in yar lagaa qaado ayaad dareemaysaa .. Maalmo yar ayuu naga maqnaa shiiikhu sida looga dareemay dalkana allah ayuunbaa og .. wuxuu uu duubay ayaa meel walba ka baxaya oo dadka lagu samirsiiyaa Reer jigjiga ilaahay ha idin barakeeyo oo ha idinku anfaco culimada
    Wallaahi waan ilmeeyay anigoo akhrinaya maqaalkan Halgan.net ilaahay ha idinka abaal mariyo

  13. ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro sheek dirir iyo dhamaan culumada islaamka

  14. maashaa,allaah walaalyaal halaga faa,idaysto sheekh waa caalim rabaani ah

  15. Allaahu bakbar ,ilaahayoow culimada barakee, bal ummaddaan eega iyo sida ay hammuun ugu qabaan dacwada indhahooda ayaad ka garan inay muxubbo aad u sarreysa u hayaan dacwada, goormaa dacwo ugu dambeysay la sheego, midhaa weligoodba maysan arag culimo rabbaaniyiin ah, ummadda oo diin iyo dacwo u baahan ayuunbaa qori lala ordi oo wax walba laga hormarinayaa, bal u fiirsada ilaah baan idinku dhaarshaye yaa islahaa dad intaan dhan ayaa maanta muxaadaradaan soo xaadiraya ummadda 2omeeyada sano ka indho la,ayd dacwo qumman oo la sheego, war qori xal maahee inta dhinac u dhigtaan dacwada rabbi ummadda gaarsiiya, oo afrikaba inay islaami lahayd ayaan qabaa hadii laysku dayo in si daacad dacwo loo gaarsiiyee…. ilaahayoow noo barakee culimada oo ka qabo kuwa culimo lamoodka ah ee xilliyadaan dambe lagu salliday culimadii iyo ducaadii, reer halganna waxaan leeyahay madaxiina alle ha raajiyo oo kheyr cimrigiinna alle ha ku camiro halkaas kaga haya tooshkiinu waa mid aad u ifweyne.

  16. maashaa alaah ilaah ajir iyo xasanaat aan lasookoobi karin alah siiyo sheekheena iyo dhamaan n culiumada somaliyeed aad baan ugafaxsanahay dacwada kasocota somali galbeed

    halgan thank you

  17. maashalah walaahy aad ayan ugu farxay warkan ilahay reer jigjiga hawsiyaadiyi khayrka aniga iyo iyagaba hana yeelo kuwa culumada jecel shiikha iyo culumada kuwehelisa safarkana ilahay ha xifdiyo iyo dhaman culumada soomaaliyeedba

  18. -To jeele
    Walaal Asalaamu aleeykum, dinta alle dagaalka wuu kamidyahay, balse xalba xaalkiis ayu leeyahay oo hadii la istuso in dagaalka maslaxada diineed Iyo tan shacabka kujirto lanana awoodo waa in ladagaalama, seey walaalaha kuwadeenba 20 sano wakhti gaaraya, hadii la arko xaalad gooni ah in heshiis lagalo maslaxo daraadeed, Lana awoodin dagaal, marka wax dib ah majiro seey culimada fallen ilaaahay ha hifdiyo kuligood. Muhiimada waa in culimada arimahaan oo kale looga dambeeya madaama eey iyagu yihin kuwii nabiga SAW daxlay, culimada somaliyeedna koleey waa macruufiin oo qofkasto shaikh masheegan Karo. Wasalaam aleeykum

  19. Allaha barakeeyo Shiikheenna iyo culimadoo dhan.

  20. MAASHA ALLAH HISHIISKII LALA GALAY ETHIOPIA FAAIDADEEDA WAA TANAA, WAXAAS OO DAD AH OO SUNADU KA MAQUUTO MIYAA ISKUGU IMAAN LAHAA HALKAA HADAAANA LA HISHIIN LAHAYN.ALLAH KA SOKOW WAXAA KU MAHADSAN CULIMADEENA XAQA ALLAH TUSAY EE FAHAMAY IN DAGAAL DANI KU JIRIN.KOOXDA QASWADAYAASHA SHABAAB ALLAH HA U SOO NOQDEEN EE CULIMADA HALA SHAQEEYAAN.

  21. asc walalalyaal alle miisaanka ha idiin saaro ee noo soo daaya insha alaahu

Leave a comment

*