Taariikh Nololeedkii Sh.Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Sh. Aamin

December 17, 2012 - Written by

1- Hordhac
2- Qoyska uu sheekhu ka soo jeedo 3- Dhalashadii sheikha iyo barbaaritaankiisii 4- Kaalinta uu ku lahaa sh.cabdiwali Dacwada Guud Uganda 5- Xadhigii Sh.Cabdiwali 6- Culumadii uu waxka bartay sh/C/wali 7- Ardaydii sheekh Cabdiwali 8- Wanaagii looga maragkacay 9- Casharadii ugu danbeeyay ee uu gacanta ku hayay 10- Qoysaskii iyo caruurtii sheekha 11- Aaskii sheekha 12- Kalmadda Culumada ay ka yidhaahdeen geeridii sh. C/wali 13- Gunaanad 14- tixraac

Hordhac Nabiga (SCW) ayaa waxaa la soo agmariyey mayd lagu wado xabaashii lagu aasi lahaa, asxaabtu waxay ku sheegeen inuu ahaa qof aan wanaag badan lahayn oo aadannuhu aad uga baqan jireen xagga tan Allena ku xumaa. Nabigu wuxuu yidhi وجبت)) wajabad. Waxaa cabaar ka dib la soo mariyey goobtii mayd kale oo qabrigiisii lagu sii wado. Asxaabtii markan ayey qofkan ka sheegeen wanaag badan iyo inuu ahaa qof umadda meel fiican kaga yaalay. Markana, nabigu wuxuu ku jawaabay isla kalmaddii (وجبت) wajabad.

Waxay asxaabtu la yaabeen faalada isku midka ah ee hadana kalmadda kaliya ah ee uu nabigu ka bixiyey labada mayd ee warkoodu kala duwanaa! Way warsadeenoo waxay yidhaahdeen, Nabi Allow, jawaabtaadu waa isku mid, maydadkana midna xumaa lagu sheegay midna samaa laga sheegay, faaladaaduna waa isku midde noo iftiimi waxa ku qorsoon gudeheeda? Nabigu (SCW) wuxuu ugu jawaabay, waxaad tii hore uga maragkacdeen xumaan uu galabsaday oo waxaa u waajibtay Naar. Tii danbana waxaad uga maragkacdeen same iyo wanaag oo waxaa u waajibtay Janno, idinkuna aadanaw waxaad tihiin markhaatiyada ilaahay ee waxa dhulka lagu galo uu maraggashado.

Hadaba, annaga oo furayna markhaatiga ilaahay inagashaday, ayaan waxaan si qowl iyo qoraalba ah ku muujinaynaa khayrkii aan ku ogayn ama laga sheegay Sh. C/wali C/lahi Aamin.

Qoyska uu sheekhu ka soo jeedo

Sheikh cabduwali wuxuu ka soo jeedaa qoys ahlu diin ah. Waxay dhammaan awowyadii ka mid ahaayeen culumadii dariiqada saalixiyada. Sheekha, aabihii Sh.Cabdilaahi wuxuu ahaa xaafidul quraan aan quraanka afka ka qaadin marka uu soconayo iyo marka uu fadhiyaba. Dhawr jeer oo aan nasiib u yeeshay inaan kulano sheikh cabdilaahi, ayaan waxaan ka dheehday dhammaan astaamihii lagu tilmaansan jiray ahlul quraanka. Cibaado badan, qiyaamu layl, soon, iyo sadaqaad ayaa ka mid ahaa acmaasha uu qaban jiray maalin walba.

Waxaa aqoonta quraanka u dheerayd baac dheer oo uu u lahaa fiqiga shaaficiyada. Wuxuu ku noolaa magaalada Raaskanbooni, halkaas oo uu mudo dheer ka ahaa qaadi iyo sheekhba. Sh. Cabdilahi, ayaa ka ahaa imaam iyo sheikh masjid uu ka dhisay magaalada Raaskanbooni. Masjidkaas oo loogu magac-daray marxuumka hooyadii oo lagu magacaabi jiray Raxmo Cusmaan. Sh. Cabdilaahi, ayaa bilowgii sannadkii 2000 geeriyooday, isaga oo gacanta ku haya masuuliyaad la mid ah kuwa uu sh. Cabdiwali gacanta ku hayay marka ay ajashu ka dhamaatay. Waa imaamka masjidu Al-Raxma, waa sheekhii magaalada uu ku noolaa, waxay u ahayd dadwaynihii ku noolaa Raaskanbooni maalin murugo oo ay indhuhu ilmada shubeen.

Awawgii, Sh.Aamin Muse Maxmed, Sh.Aamin, oo ku noolaan jiray magalada Kismaanyo iyo nawaaxigeeda, ayaa dhalinyaranimadiisii waqti badan oo ka mid ah ku qaatay, u xeraysiga goobaha cilmiga lagu barto. Wuxuu mudo ka maqnaadaba magaaladii uu ku soo barbaaray iyo gurigii lagu gardaadiyay ee ay waalidkii iyo walaalihiiba ku noolaayeen, wuxuu dib ugu soo noqday isaga oo cilmi badan xanbaarsan.

Sh.Aamin, ayaa mudo dheer ka mid ahaa culumada waaweyn ee dacwada diinta ka marisa masaajida magaalada Kismaanyo. Wuxuu ku sugnaa waqti dheer, halkaas oo ay ugu dhasheen caruurtiisa badankood, oo uu ka mid ahaa marxuumka aabihii sh. Cabdilaahi.

Sh. Aamin, ayaa usoo guuray magaalada nageyle, halkaa oo uu sheikh u noqday Dariiqada Saalixiyada. Meeshaas ayuu mudo ku dhaqnaa, isaga oo halkaas afadiisii labaadna ku guursaday. Markii ay gabadh ugu curatay minyaradiisii ayay ajashii ka soo dhamaatay. Isaga oo ah sheekh wax ijaazeeya, imaam masjid, iyo sheekhu Dariiqaha Saalixiyada.

Qoyskan, oo ay ka soo jeedaan culumo badan kuwo haatan nool iyo kuwo dhintayba , labadaas sheekh ee marwalba magaciisa ku saddexan baanse iskaga soo gaabsanayaa.

Dhalashadii iyo barbaarintii sh. Cabdiwali Sh. Abdilahi Sh. Aamin

Sh.Cabdiwali, waxuu dhashay 1958-kii, Wuxuuna ahaa curadkii sh.Cabdilaahi, halkaas oo uu ku soo barbaaray bilowgii nolashiisa. Sh.cabdiwali, wuxuu quraanka dhameeyey 9 sano jirkiisii. Ka dib markuu quraanka dhameeyey wuxuu dugsiga hoose ka bilaabay magaalada Kismaanyo halkaas oo ku qaatay waxbarashadiisii hoose/dhexe iyo sare. Wuxuu ka baxay dugsiga sare ee Ganaane ee ku yaala Kismaanyo 1975/76, isaga oo ka mid ahaa ardaydii ugu saraysay ee sanadkaas qalin jabisay.

Kadib markuu dhamaystay waxbarashadiisii wuxuu dib ugu soo laabtay dalka Uganda, isaga oo marlabaad shahaado dugsi sare ka qaatay machadka shareecada lagu barto ee Bilaal ee ku yaal Kampala 1977kii.

Dabayaaqadii 1978-kii, ayuu ka helay deeq waxbarasho Jaamacatul Imaam ee ku taal Qasiim Sucuudi Carabiya, wuxuuna ka soo qalin jabiyay sannadkii 1983/84-kii, wuxuuna ka soo qaatay bachelor degree kuliyada shareecada.

Kadib markuu soo dhamaystay waxbarashadiisii, wuxuu ku soo laabtay dalka Soomaaliya. Mudo markuu ku sugnaa Xamar wuxuu usoo wareegay magaalada Raaskanbooni bilowgii 1985-kii. Markii uu bilo halkaas ka waday dacwada ayaa waxay dawladii dhexe ee soomaaliya amar ku bixisay in la soo xidho Sh.C/wali. Xukun kan oo loo cuskaday inuu bidco faafinayo iyo iyada oo ay dawladu sigaara u ugaarsanaysay culumada salafiyada.

Sheekh. Baarey, oo ka war helay xukunka xidhista sh.Cabdiwali, oo ay aabihii saaxiib ahaayeen, ahaana qaadiga guud ee badhaadhe, ayaa yimid magaalada Raaskanbooni, halkaas oo uu niqaash ku dhex maray isaga iyo sh.Cabdiwali.

Waxay sh.Baarey iyo sh.Cabdilhi, kula taliyeen sh. Cabdiwali inuu dalka iskaga baxo oo uu Kenya galo, iyaga oo aan xukunkan waxba ka qaban Karin darteed. Sh.Cabdiwali oo aad u jeclaa inuu dacwada ka wada gudaha Soomaaliya, ayaa hadana diidi kari waayay talada aabihii oo ugu danbayntii sh.Cabdiwali wuu yeelay taladoodii, dalkana waa uu ka baxay.

Sh.C/wali, markuu soo galay Kenya wuxuu ka qayb qaatay dacwadii ka socotay Kenya mudo sanad ku dhow. Bilowgii 1987, ayuu usoo wareegay magaalada Kampala, Uganda, halkaas oo uu nolashiisa intii ka hadhsanayd uu ku qaatay.

Wuxuu markiiba ka qayb qaatay dacwad dardar ku socotay oo ka jirtay Kampala. Wuxuu mas’uul guud ka noqday Jimciyadda, Axyaa Al-turaathul Islaami oo laga leeyahay dalka Kuwait. Wuxuu halkaas ka dhisay maraakis iyo masaajid lagu qiyaasay ilaa 300. Wuxuu imaam xiliyadaasba uu ka noqday masjid yar oo ay Soomaalidu lahayd oo ku dhex yiil xaafadda ay soomaaligu daganeyd ee Jarakabako. Wuxuu masjidkaas ka bilaabay duruus farabadan isagoo khudbadaha iyo muxaadaraadkana ka bixin jiray masjidkaas.

Kadib markii ay Soomaalida qaxa ah ay soo gashay dalka Uganda,ayaa baahidii masjidku dabooli waayay, markaas ayaa rag uu sheekhu ka mid ahaa ay aasaaseen Jimciyadda: Tawhiid Islamic Center. Jimciyadan, oo ka hawl gashay dhul balaadhan oo uu waqfay sh. Axmed oo ahaa sh. C/wali adeerkii, labadaba ilaahay ha u naxariistee.

Dhulkaas ayaa laga qotomiyey masjidka weyn iyo dhammaan dhismayaasha kale ee ay Jimciyadu ku shaqayn jirtey. Sh.C/wali oo ahaa agaasimihii Jimciyadda Tawhiid Islamic Center, kana mid ahaa aasaasayaasheedii, ayaa dhammaadkii 1994-kii, si hufan u soo afmeeray dhismaha Masjidka, Dugsi hoose/dhexe oo isugu jira diini iyo maadiba, Hospital iyo xafiisyo goobahaas laga maamulo.

Bilowgii 1995 ayuu sheekhu bilaabay jaamacada Makarere ee ku taal Kampala, Uganda, isaga oo diyaarinayay Master Degree. Mawduuca uu ku qaatay ayaa ahaa diimaha caalamka ka jira, isaga oo ku qorayey risaalada takhasuskiisa luuqadda Af-ingiriisiga, wuxuuna dhameeyay 1997-kii.

Kaalinta uu ku lahaa sh.cabdiwali Dacwada Guud Uganda

Sh. C/wali, waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid ahaa culumada waaweyn ee ka soo jeeda Soomaaliya isla markaasna ku lahaa kaalin muuqata dacwada guud ee ka socatay dalka Uganda gudihiisa iyo dacaladiisaba. Wuxuu ka mid ahaa lajnada fatwo bixinta ee dalka Uganda. Waxaa kale oo uu ka mid ahaa gudiga ilaalinta doodaha dhexmara diinta islaamka iyo tan kirishtaanka .

Bilowgii 1990, waxay dawladda Uganda xidhxidhay culumo badan oo Ugandis ah oo ka waday dacwada salafiyada dalkaas. Tiro lagu sheegay 119 sheekh oo dhammaantood ka soo baxay jaamacadaha sucuudiga iyo Pakistan, ayaa ka mid ahaa culumadaas laga buuxshay xabsiyo kala duwan oo ku yaalay dalka gudahiisa iyo darafyadiisa.

Sh.C/wali, wuxuu ka mid ahaa dadkii ka qaaday kaalin lixaad leh soo daynta culumaas, iyada oo ay iskaashanayeen culumadii kale ee ka badbaaday xadhigaas oo sigaara loola beegsanayay dacwada salafiyada. Dadaal dheer ka dib waxay ku guulaysteen in ay u soo celiyaan culumadaas xoriyadoodii.

Kadib markii culumadaas la siidaayay ayay dib ugu laabteen maasijiddii iyo goobihii kale ee ay ka hawl gali jireen. Waxaa soo dhex galay walaalihii reer Uganda khilaaf xooggan oo ku aadan xagga maamulka iyo maaraynta guud ee dacwada Uganda ee salafiyada. Khilaafkan, ayey culumada soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa C/wali ay ku soo afjareen afgarad.

Marlabaad bilowgii 1992, ayaa waxaa soo dhexgalay culumadii reer Uganda khilaaf salka ku haya manhaj. ka dib markii cadaadis badan uu la soo gudboonaaaday, ayaa waxaa uu cadaadiskaasi gardaadiyay manhajka takfiirka oo cadaadiska ka hor afraad xadidan ku koobnaa. Fursad uu ka helay xadhigii culumada iyo saaxaddii banaanaatay, ayuu manhajkani aad uu faafay oo goobo badan oo dacwada salafigu ka hawlgali jirtay ka soo ifbaxay.

Khilaafkan oo isla markiiba soo dhaafay niqaashkii iyo afka hadalkii oo isu rogay gacan ka hadal iyo qas. In badan oo da’yartii reer Uganda ay culumadoodii u arkeen gaalo uusan tawxiidku gaadhin. Markay halkaas maraysay, ayay culumada Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa uganda ay u fureen gole niqaash oo ay ku kala baxaan kitaabka iyo sunnaha. Labadii dhinacba way aqbaleen iyada oo ay labada qoloba ay ku qabeen culumadan kalsooni buuxda.

Waxaa lagu balamiyay masjidkii Soomaalida ee sh.Cabdiwali ka ahaa imaamka iyada oo ay ka soo qayb galeen in badan oo ka mid ah dhalanyaradii uu ku faafay manhajkan takfiiriga ahi. Culumadii labada garab oo kutubtootii xanbaarsan, ayaa isugu yimid masjidkii salaaddii duhur . waxaa bilaamay niqaashkii ama munaadaradii iyada oo ay xakam ka wax kala goynayayna ay ka mid ahaayeen culumadan:

1. Sh.Cabdiwali Sh. C/lahi Sh. Aamin, ilaahay ha u naxariistee 2. Sh.Cabdiqaadir Nuur Faarax (gacamay), ilaahay ha xifdiyee 3. Sh.Xasan Xuseen Axmed, ilaahay ha xifdiyee

Madashan ka dib ayaa in badan oo ka mid ah iyo in badan oo uu gaadhay warku, ayaa ka laabtay manhajkii khaldanaa iyada oo ay kalimaad gunaanad ahna ay ka soo jeedsheen Sh. C/qaadir iyo Sh.C/wali. Kalmadaas oo ay ku bayaaniyeen manhajka takfiiriga ah iyo halka uu salka ku hayo.

Xadhigii Sh.Cabdiwali Kadib markii ay qarxiyeen kooxaha xagjira safaaradaha maraykanka ee Kenya, Tanzania, iyo Uganda, ayaa isaga iyo 22 ruux oo u badan qaraabaddiisa loo taxaabay xabsiga weyn ee ku yaal magaalada Kampala, Uganda. Xadhigan, ayaa la xidhiidhay cadho iyo gadood ka dhashay khasaarihii uu gaystay qaraxyadii lala beegsaday safaaradaha Maraykanka oo ay waxyeeladu ku soo gaadhay dad badan oo u dhashay dalalka ay safaaraduhu ku yaaleen.

Sh. Cabdiwali, ayaa ku qaatay mudo bilk u dhow xabsiga Kampala. Dhammaan muslimiinta Uganda oo dhan, ayaa jawaab midaysay ka bixiyay xadhiga sh.C/wali, iyaga oo ay ku muujiyeen mudaharaadyo lagu diidanyahay xadgudubka loo gaystay sheekha, kaas oo si siman uuga muuqday sideeda gobal ee uu dalka Uganda ka kooban yahay.

Kadib markii ay maxkamaddii la keenay ay ku wayday wax danbiya, ayaa sheekha loo soo celiyay xoriyadiisii dabayaaqadii 1998-kii. Sh.C/wali ayaa markiiba dib ugu soo laabtay acmaashiisii dacwadeed. Salaaddii jimce ee ugu horaysay, ayaa noqotay jimcihii ugu ballaadhnaa ee lagu tukado masjidka weyn ee uu sheekhu ka ahaa imaamka. Muslimiinta oo ku faraxsanaa soo daynta sheekha isla markaana muujinayay taageerada ay u hayaan, ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan, iyada oo ay uba muuqaal eekaatay maalin ciida oo kale tirada iyo farxada xad dhaafka ahayd.

Sannadkii 2010, ayaa marlabaad sheekha loo taxaabay xabsiga isaga iyo 6 qof oo qaraabadiisa ah. Xadhigan , ayuu sheekhu ku qaatay maalmo kooban xabsiga gudihiisa iyada oo markiiba la siidaayay. Kaalinta hoggaamiyenimo ee uu ku dhexlahaa dacwada guud ee ka socatay dalka Uganda, ayaa ahayd mid ka mudh baxday oo ay aqbalaad iyo hawraarsan ummaddu ku soo wada dhoweeyeen, taas oo sababtay inay markasta oo ay wax soo baxaanba ay ishu isaga u hor qabato xadhiguna uu sahansado.

Culumadii uu waxka bartay sh.C/wali

Waxaa u dhinac socday waxbarashada nidaamiga ah xalaqaadka cilmiga ah oo uu ahayd caado uusan ka maqnaan jirin. Halkan waxaa ku soo koobaynaa qaarka mid ah culumadiisii 1. Sh. C/casiis Ibnu Baas, ilaahay ha u naxariistee 2. Sh. Maxamed Saalex Cuthaymiin, ilaahay ha u naxariistee 3. Sh.Cumar Faaruuq, ilaahay ha u naxariistee 4. Sh.shariif c/nuur Shariif Xasan, ilaahay ha xifdiyee 5. Sh.C/qaadir Nuur Faarax, ilaahay ha xifdiyo 6. Sh. C/qaadir Garre

Ardaydii sheekh Cabdiwali Waxaa sheekha wax ka bartay afwaaj badan oo ka mid ah culumada iyo ducaadda maanta aduunka dacaladiisa ku fidsan. Sigaara dhammaan akhayaartii soo martay Kampala ayaa ka qaatay culuumtii kala duwanayd ee uu ka marin jiray masjidkasa.

Sheekhu wuxuu lahaa qaab gaar ah oo ka duwan inta badan habka xalaqaadka wax looga mariyo. Waxaa ukala soocnaa ardayda waxka dhagaysanaysa inta casharka ku duxayo ee la socota iyo inta dugsanaysa khayrka baxaya. Casharadiisa wuxuu ku bilaabi jiray su’aalo uu mid mid u waydiinayo isagoo mararka qaarkoodna siin jiray layliyo ay ka soo shaqeeyaan oo ay soo bandhigaan casharka danbe hortiisa. Waxaan wali qalbigayga ka daawanayaa casharo taxane ahaa oo uu kutub dhawr ah uu ka galay faniga USUULU FIQIGA oo lahaa layliyo joogta ah oo curiyey loolan kulul oo dhexmarijiray ardaydii ku taxnayd casharkaas.

Waxaa ka mid ahaa ardaydii sh.Cabbdiwali 1. Sh.C/raxmaan Geelle Samatar 2. Sh. Cali Maax 3. Sh.C/wahab salad 4. Sh.C/risaaq M Aadan 5. Cismaan Axmed Cismaan 6. Maxamed Jamaac Xaashi 7. C/raxman faarax Geelle(dhuux) 8. Faysal Yuusuf Shire 9. C/raxman Xuseen Carab 10. Muse Maxamed Hasan 11. Macalin, C/rashiid Mahdi C/raxmaan Ileye 12. Macalin, Daauud Cali Cabdi Buraale 13. Sh.Maxamud Maxamed Aadan 14. Daahir Axmed Faarax 15. Cali Daahir Hassan 16. Axmed Maxamed Xasan 17. Axmed Cali Bare 18. Mursal Jaamac Basiir 19. M. Hambaase 20. Mukhtar sh.Yasin 21. C/rashiid Cali Aduunyo 22. SH.Axmed geescade 23. Saleban Maxamed Xaaldiid 24. Mahad jibriil 25. Ibrahim C/raxman kaahin 26. C/risaaq Warsame Mire 27. c/wali bashiir jaamac 28. c/raxmaan Axmed Guun 29. C/wali seed Cilmi

Ma soo koobi karo ardaydii sheekha, intani waa qaar kamid ah ardaydiisii dhexe , kuwo ka horeeyay iyo kuwa ka danbeeyayba waa uu lahaa intaas baan kaga soo gaabsanaynaa.

Wanaagii looga maragkacay Wuxuu lahaa khaslado farabadan oo ka muuqday ama laga dheehday wanaaga sheekha, kuwaas oo ka maragkacayey iimaanka biyo dhigay qalbigiisa. 1. Wuxuu ahaa sheekh zuhdi badan oo aan aduunyada isku mashquulin. 2. Wuxuu ahaa sheikh tawaaduc badan oo ay dadku isugu mid yihiin. 3. Wuxuu aad uga warhayn jiray ardaydiisa, sigaara xaaladahooda nololeed iyaday gacan qabashadoodu u ahayd sifo lagu tilmaamo. 4. Wuxuu ka warqabi jiray danyarta iyo agoomaha. Waxaa aaskiisii u yimi ehelada sheekha nin uu kirada kuriga ka bixin jiray ilaa 1993 oo ahaa nin miskiina oo xanuunsanaa, isaga oo sheegay inuu sheekhu ka codsaday inuusan sheegin, laakiin uu maanta u sheegay baahida ku soo banaanaatay. 5. Waxaa kale oo uu sheekhu gacanta ku hayay 300 oo agoon ah oo uu xarun lagu xanaaneeyo gacanta ku hayey. 6. Wuxuu u haa waalidkii baari, waxay indhahaygu qabteen iyada iyo aabihii Sh.C/laahi oo masjidka soogalay oo inta uu sheekhu fadhiistay aabihii ka bixiyey labadii kabood iyo sharabaadadii iyada oo uu waalidkuna ku leeyahay wali maan hawl gabine maandhow ha idadajin. 7. Wuxuu aad u badin jiray soonka, sigaara maalmaha isniinaha iyo khamiisaha. 8. Wuxuu ahaa nin farxaan ah oo kaftan badan oo uu qofwaliba u haysto inuu isaga uun la yahay saaxiib. 9. Wxuu ahaa nin ay ka muuqato ku dhaqanka diinta, ilaahayna qubuul u dhex dhigay ummaduu la noolaa. 10. Kalmada Tawxiidka, Tasbiixda, iyo Taxmiida, ayaa u ahayd mid uusan afka ka qaadin oo haddii aad cabbaar meel wada socotaan amaba aad goob ku wada nasataan, waxaad ka marakacaysaa sida ay afkiisa uga qoyantahay kalmadda Tawxiidku. Malahayga, mindhaa waaba halka ay ka soo burqatay magac-bixinta jimciyadda iyo masjidkuba.

Casharadii ugu danbeeyay ee uu gacanta ku hayey marka ay geeridu utimid 1- Saxiixul muslimka 2- Riyaaddu saalixiinka, oo ahaa casharkii ugu danbeyay ee uu ka mariyo masjidka saacado ka hor dhimashadiisii 3- Khudbadaha jimcaha. Khudbaddi u danbaysay ayuu sheekhu ku soo qaatay qiimaha uu waqtigu leeyahay. Isaga oo aad u tibaaxay sida aynu maalin walba ugu sii dhawaanayno qabriga. Wuxuu ku xusay in waqtigan ilaahay ina waydiiinayo muhiimna ay tahay in aakhiro loogu sahay qaato. Waxay ku tilmaameen mustamiciintii inay khudbaddani ahayd dardaan ilaahay ku ilhaamiyey.

Qoysaskii iyo caruurtii sheekha Wuxuu sheekhu ka tagay labo xaas iyo 10 ciyaal ah oo ay 3 rag tahay 7-na ay dumar yihiin.

Aaskii sheekha

Waxaa aaskii sheekha ka soo qayb galay khalqi aad u badan, taas oo marag u ah khayrka iyo wanaagga ay aadanuhu uga maragkacayeen sheekha. Waxaa isugu yimid dhammaan culumadii ku noolayd guud ahaan dalka Uganda. Waxaa ka soo qayb galay muftiga guud ee dalka Uganda Sh. Shacbaan oo ay marxuumka ahaan jireen isku fasal. Waxaa kale oo ka soo qayb galay culumo badan oo qaarkood meelo dheer ka soo kicitimeen.waxaa Nairobi iyo Mombasa ka soo dhaqaaqay culumo ay horkacayeen  Sh. Maxamud Shible  Sh. Maxamed Qaasim  Sh.Maxamed yamaani  Iyo qaar kale oo badan

Salaaddii janaazada ayay masjidku uu buuxsamay, iyada oo u muuqaal ekaa tayba maalin ciida oo kale sida ay dadku u soo xaadireen, inkastay dhinaca kale marka laga dhawro ay ka gadisanayd ciid oo ay murugo ku dadnayd. Maxay ugu dadnaan wayday! Waxaa ka dhacday xidig gudcur ifinayey e. Ugu danbaytii waxaa salaaddii janaazada hoggaamiyey sh. Maxamed Yamaani markiibana waxaa loo luuday qubuurihii iyo xabaashii loo diyaariyay marxuumka. Waxaa habeenimadii muxaadaraad kala duwan ka galay culumo badan oo ay ka mid yihiin culumadii ka soo kicitimay Kenya. Sidoo kale waxaa kalmad ku aadan dhimashada sheekha ka bixiyay masjidka Abuubakar ee Minneapolis sh C/raxmaan Sh. Cumar.

Kalmaddaha ay culumadu ka yidhaahdeen geerida sh.c/wali Qaar ka mid ah culumada waawayn ee soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Sh.Maxamed Cabdi Umah, Sh. C/raxman sh. Cumar, ayaa maalmahan bixinayay muxaadaraad ku aadan booska culumadu ku leeyihiin ummada, iyaga oo aadna u xusayay geeridoodu sida ay u weyn tahay guud ahaan, gaar ahaana marar badan carabka ku dhufanayay waxqabadkii dacwadeed ee sheikh C/wali iyo geerida ku timid oo banaysay albaab weyn. Sidoo kale waxaan afkooda ka qoyanaa dilkii dulmiga ahaa ee loo gaystay Dr. Axmed X. C/raxman, labadaba ilaahay ha u naxariistee.

Waxaa dhanbaal ka marakacaya wanaaga sh.c/wali iyo waliba khaatumada wacan ee uu ku guulaysatay soo daabacay guud ahaan culumada soomaaliyeed ee ku dhaqan W/America(Golaha isutagga Imaamyada Soomaaliyeed ee W/America. Waxay warbaahinta la wadaageen wuxuu sh. C/wali ka mudnaa, Allena u maraggashaday, waxay ku xuseen qoraalkaas waxyaalo badan oo muujinaya inuu guulaystay oo ilaahay ka aqbalay oo uu maray wadadii suubane nabi muxamed jeexay (SCW)

Gunaanad Waxaan dhammaadka qoraalkeena uga baxaynaa, in Sh. Cabdiwali uu ahaa banii aadam uusan Macsuum aan gafayn, waxaanse xusnay wanaagii lagu yanaaqanay iyo inaan khayr illaahay uga rajaynayno. Waxaan kusoo gabagabaynaynaa duco iyo danbi dhaafwaydiin aan u dalbayno sheekha aynu inyar oo ka mid ah nolashiisa aan milicsanay. Guud ahaan culumadu waxay mudan yihiin maamuus iyo xurmo nolol iyo geeriba, waana siddii dhaqanka salafku ahaan jiray.

Waxaan ilahay ka baryaynaa inuu naga dhigo kuwo cilmiga iyo culumadaba u adeega. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu culumada inta dhimatay u naxariisto, inta noolna ilaahay waqtigooda iyo cilmigooda barakeeyo.

Tixraac Waxaan qoraalkan u cuskaday xidhiidh aan la sameeyay qaar ka mid ah qaraabadii sheekha iyo ardaydiisii. Waqtiga oo koobnaa iyo masaafada oo kala dheer waxaan ka cudurdaaranayaa waxa aan daboolay ee mudnaa daah ka qaadid oo aanan soo bandhigin hadday jirto. Sidoo kale waa la iga mudnaa qabashada qalinkan, hasayeeshee waxaa I qasbay qiimaynta iyo qadarinta uu sheekhu iga mudnaa.

Qorane: Macalim Mohamed Hambaase

Minneapolis, USA

8 Comments so far

Leave a comment

  1. Acww
    Sh. Abduwali waan aqaanay muddo dheer wuxuu ahaa nin dacwada ka qaatar kaalin weyn. Ilaahay ha ugu daro miizaankiiska xasanaadka.

  2. Allaha unaxariisto walaalkeen Sh.c/lahi. Idinkana JZKALahuKhayr.

  3. a/s
    ilaahay ha u naxariisto sheekh abdiweli, macalikaygana waan u ducaynaynaa sidaas fiican aad usoo habaysay taariikhda shiikheena. waxaan ku talinlahaa in buug laga dhigo waxbadan oo uu lahaa lagu sii daro.

  4. ILAAHEY HA UNAXARIISTO SHIIKH ABDUWALI WAXAA UU AHAA SHIIKH AAD UTAWAADUC BADAN INTAAN KA AQAANEY,AADNA USOO DHAWEEYA DHALINYARTA ,JECLAANA INEY WAXBARTAAN, WAQTIGANA AYSAN ISAGA CIYAARIN SHAQO BADAN DACWADA UGANDHANA LAFDHABAR U AH AANAN LAGU SOO KOOBI KARIN INTA WALAALKEY HAMBAASE KAQOREY LAAKIIN WAXAAN CODSAN LAHEYN HADDII AY JIRAAN WAX CAJALADO FIIDIYOW AH AMA DHAGAEYSI AH OO SHIIKHA LAGA DUUBAY IN LASOO BANDHIGO LANA BADIYO JZAAKUMULLAHU KHAYRAN

  5. Inna lilaahi wa innaa ilayhi rajicuun. Waxan wiil somaliyeed oo ku nool london. Waxaan ka soo dhoofay wadanka uganda 11 sano ka hor.Waxaan. Ku laabtay 2 mar 2009 iyo 2010. Sheikh abdi wali Waxan lá kulmay 3 mar. Wuxuu ahaay ruux aad u u jecel qofkasta oo somaali ah oon fiirin qabiil iyo dagmo. Allah yarxamhu.

  6. as.

    jzk allaahu kharan sh. fosi.

  7. Macalin Maxamed Hambaase hallaha kaa abaal mariyo sida wacan ee aad uga warrantay Sheekheenni Shiikh C/weli allaha u naxariistu Bedel khayrna haka siiyo muslimiintii uu ka geeriyooday.

    innagana allaha inna sugo

  8. a/c
    Sheekh Maxamed Hambaase,Ilaahay hakaa abaalmariyo sida wanaagsan eed u soo bandhigtay Taariikhda Sheekha.Sheekhana Ilahay waxaan uga baryaynaa Naxariistii Jano.aad buu u fiicanyahay habka taxanaha eed u soo qortay waxaan wax yar ku arkay sida aad u soo qortay Sheekh Maxamed Umal(Sh.Maxamed Cabdi Umah)waxay ahay in aad loo tafatiro.
    WS.Fawsi Dahir

Leave a comment

*