Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka DFS oo lagu dhaawacay Muqdisho

December 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee DFS Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa saaka waxaa soo gaaray dhaawac fudud ka dib  markii askari ka tirsan DFS oo ay isbaaro u tiilay jidka 21-Oktoobar uu rasaas ku furay taliyaha waxaana dhaawaca Jen Cali Xirsi Bare la geeyey Isbitaalka isbitaalka Daarul-shifa .

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee DFS Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa shaqaaqada ka dib la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in uu soo gaaray dhaawac fudud uuna bad qabo isaga oo beeniyey in dhaawaciisa uu yahay mid culus ama in uu dhintay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah saxaafada ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askarigii dhaawacay taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka ee DFS Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) uu baxsaday waxaana ku daba jira ciidamada DFS sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida ee DFS.

Maalmahan  ayaa waxaa ka socday magaalada Muqdisho howlgalo lagu sugayo amaanka kuwaas oo lagu qaaday isbaarooyin daadsanaa gudaha magaalada Muqdisho iyo gobalka Shabeelaha Hoose ka dib markii madaxweynaha DFS Dr.Xasan Sheekh Maxmuud uu amar ku bixiyey in la qaado isbaarooyinka lagu dhibaateeyo shacabka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online