Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan DFS oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo

December 27, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wafdi ka socda dowllada Federaalka Soomaaliya ayaa saaaka ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee caasimada Gobolka Jubada hoose, wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka arrimaha Gudaha , wasiirka gaashaandhiga , wasiirka cadaalada iyo wasiirka boostada iyo is gaarsiinta.

Wafdigaan dowllada federaalkaSoomaaliya ayaa markii ay gaaraan magaalada Kismaayo waxaa ay kulan gaar ah la yeelan doonaan maamulka ku meel gaarka ah ee uu guddoomiyaha u yahay Axmed Maxamed Islaan axmed Madoobe iyo saraakiisha ciidanka raaskaambooni , kuwa DFS iyo Saraakiisha ciidanka Kenya.

Ilaa hadda ma cada socdaalka wafdigaan wasiirada ah ay ku aadayaan magaalada Kismaayo wax uu ku saabsan yahay balse waxaa la filayaa in ay kormeeri doonaa xaalada amni ee magaalada iyo goobta uu ka socodo shirka la doonayo in lagu dhiso maamul gobolleed loogu magac daray Juballand oo ay ku bahoobeen beelaha dega Gobollada Jubooyinka.

Safarka wasiirada ka tirsan DFS ay ku aadayaan magaalada Kismaayo ayaa ku soo beeg maya xili maalin ka hor ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi Madaxweynaha dowllada federaalka Soomaaliya iyo guddoomiyahah maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo Axmed Maxamed islaan Axmed Madoobe.

Wixii warar ah oo soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin donaa insha Allaahu

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online