Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada dowlladda Puntlland,oo gaaray Dhahar

December 5, 2012 - Written by

Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada dowlladda Puntlland,Cabdi Faarax Juxa ayaa safar shaqo ku soo gaaray magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan. Wasiirka waxbarashada dowllada Puntlland ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada  Cabdullaahi Maxamed Bootaan waxaan ay safari ku soo kala bixiyeen degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Karkaar iyo Haylaan.

Wasiirka waxbarashada dowllada Puntlland iyo ku xigeen kiisa ayaa waxaa ku soo dhaweeyey duleedka magaalada Dhahar Guddoomiyaha Gobolka Haylaan Maxamed Faarax Ciise Jeentaro, gudoomiyaha waxbarashada gobolka Haylaan Cabdi Maxamed , gudoomiyaha Maxkamada Sare ee gobolka Shiikh Ibrahim Aadan Jaama.

Wafdiga wasaarada waxbarashada ayaa inta ay ku sugan yihiin Gobolka Haylaan waxaa ay kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa maamulayaasha goobaha tacliinta ,Odayaasha iyo maamulka Gobolka Haylaan si ay ugu kuur galaan cabashooyinka ay soo jeedinayaan goobaha tacliinta iyo weliba agabyada ay u baahan yihiin in lagu taageero.

Wasiirkawaxbarashada dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxa   iyo wafdigiisi ayaa waxa kale oo ay booqdeen degmooyinka Xingalool iyo Baraagaha-Qol ee Gobolka Haylaan, wafdiga ayaa la filayaa in safar shaqo ay ku gaaraan Gobolka Sanaag. Socdaalka wafdiga wasiirka waxbarashada dowllada Puntlland Cabdi Faarax Juxa  uu ku soo gaaray Gobolka Haylaan ayaa ah kii ugu horeeyey oo masuul ka tirsan wasaarada waxbarashadu uu ku yimaadaan Gobolka Haylaan iyo Sanaag.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online