Warbixin ku saabsan Kulan diimeedkii kadhacay Boston, MA Dec 21-23-2012 (Daawo)

December 28, 2012 - Written by

Boston:-Magaalada Boston ee Gobalka Massachusetts (USA) ayaa waxa lagu soo gabogabeeyey kulan diimeed aad u heersareeyey oo ay kasoo qayb galeen dadwaynaha ku dhaqan gobalkan iyo qaar kamid ah gobalada kale ee Maraykanka. Kulanka diimeedkaan oo  qabsoomay Jimce ilaa Axad waafaqsan December 21-23, 2012 ayaa waxaa kasoo qayb galay Mashaa’ikh kala duwan oo ka kala yimid gobalo kaladun wuxuuna

Mu’tamarkan oo ka dhacay masjidka weyn ee ISBCC ayaa waxaa iska kaashaday markazka wayn ee Boston Islamic Center/ Masjid Altaqwa iyo MAS QUR’AN INSTITUTE.

Kulan diimeedkan waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo aad u xiisa badnaa, waxaana kamid ahaa muxaadarooyin kala duwan oo ay soo jeediyeen culimaa’udiin kala duwanaa, sidoo kale waxaa lagu so bandhigay Anaashiid aad dadwaynaha usoo jiitay oo ay soo bandhigeen caruurta Dugsiyada Qur’aanka ee labada markaz ee marti geliyay.

Culimada kaqaybgashay kulan diimeedkan ayaa waxaa kamid ahaa Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar oo kasoo jeediyey muxaadarooyin musalsal ahaa oo ku saabsanaa MIRAHA IKHLAASKA. Sidoo kale, waxaa kamid ah Sheikh Adan Cabdille oo isna soo jeediyey muxaadarooyin kala duwan oo cinwaankoodu kala ahaa Miraha Iimaanka Iyo Fahanka Tawbada.

no images were found

Sheikh Cabdirahman Shariif ayaa isna soo jeediyey muxaadarooyin aad u wanaagsanaa oo ku sabaabsanaa Isfahanka Waalidka Iyo Dhalaanka Iyo Waxyaalaha Looga Baahan Yahay Qoyska Muslinka Ah. Sidoo kale, waxaa kulan diimeedkan ka qayb qaatay Sheikh Maxamed Shakiib oo kasoo jeediyey muxaadaroyin ku baxay English iyo Soomaali oo dhalinyaradu si aad ah uga faa’idaysteen.
Muxaaadarooyinka uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Himada Sare Iyo Dhibaatada ay Leedahay Isticmaalka Shiishada oo xiliyadaan danbe mujtamaca soomaaliyeed dhibaato aad u wayn ku haysa: yar iyo waynba. Waxaa intaas dheer, in culimo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin ay ka qayb qaateen kulan diimeedkan oo sanadkii hal mar soo mara bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston iyo nawaaxigeeda.

Kamadayntii iyo gebagebadii kulan diimeedka ayaa culimadu ayagoo wadajira si jamaaci ah ugu duceeyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston gaar ahaan kuwii sadaqada la baxay, hooyooyinkii marti-soorka u fidiyay martida iyo weliba dhamaan walaalihii mu’tamarka ka shaqaynayay. Waxay culimadu dadweynaha u dardaarmeen xaqqa iyo inay diinta Allah haystaan oo ay ka dhigtaan udub dhexaadkooda!

Runahaantii waxa uu ahaa kulankani mid ay ka muuqatay isku duubni iyo walaaltinimo iyo weliba is jaceyl oo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee gobolku ka wada qayb qaateen!

Haddaba, haddaanu nahay maamulka Boston Islamic Center iyo MAS Qur’an Institute, waxaanu si wadajir ah oo ballaadhan ugu mahad celinaynaa hooyooyinkii habeen iyo maalin u taagnaa inay marti sooraan dhamaan culimadii iyo dadweynihii tirada badnaa ee meelwalba  isaga kala yimid.

Waxaanu kaloo u mahad celinaynaa culimaa’udiinka faraha badan ee naga ajiibay dalabkayagii iyo codsigii ahaa inay nagala qeyb qaataan! Sidoo kale walaalihii ku tabarrucay waqtigooda oo shaqooyinkoodii iyo howlohoodii u baajiyay inay kulan diimeedkan ka dhigaan mid heersare ah. Dhamaan waxaan Allah uga baryaynaa inuu ka yeelo mid miisaankooda xasanaadka kor u qaada oo Janno ay ku mutaystaan.Allah ayaa mahad oo dhan iska leh

Muxaadaradii koowaadMu’tamarkii Boston: Miraha Ikhlaaska, Sh. Abdirahman Sh. Cumar P1 Hoos ka Daawo


Muxaadaradii Labaad Mu’tamarkii Boston: Miraha Ikhlaaska, Sh. Abdirahman Sh. Cumar P2 Hoos ka Daawo

maamulka Boston Islamic Center
iyo MAS Qur’an Institute
Boston.

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online