Wareysi lala yeeshay كرم زهدي oo ka mid ahaa madaxdii lafdharka u ahayd Jamaca Islaamiya Al-Masriya

December 14, 2012 - Written by

Qaahira:-Waxaan caawa u soo gudbinayaa walaalaha wareysi dheer oo lala yeeshay Sheekh كرم زهدي oo ka mid ahaa culumadii aasaastay ama hurmuudka u ahaa Ururkii Jamaaca Islaamiya Al-Masriya oo dagaal dheer oo hubeysan kula jirtay in mudo ah  dowladii Masar waxaana ay Jamaaca Islaamiya ahayd kooxda kaliya oo lafdhuungashay ku noqtay dowladii dhexe ee dalka Masar iyada oo dishay Wasiiro, Saraakiil sare oo ka tirsan dalkaas bal waxayba sigtay oo ay ku dili gaartay dalka Itoobiya Madaxweynihii Masar Xusni Mubaarak waxaana ay  qeyb ku lahayd dilii Madaxweynihii hore ee dalkaas Anwar Saadaat.

Waraysigaan oo lala yeeshay Sheekh كرم زهدي  mudo laga joogo 2 bilood ayaan waxaa ii muuqday in ay muhiim tahay in akhristayaasha Halgan.net ay ila wadaagaan Waraysigaan oo ah mid dhinacyo badan taabanaya lagana faa’iidayo tajaarubtii kale duwanaa ee uu  كرم زهدي iyo Ururkii Jamaaca Islaamiya Al-Masriya ay mareen.

Sheekh كرم زهدي ayaa waxaa uu wareysigiisa lagu faafiyey mowqica ay leedahay  الجماعة الإسلامية waxaana uu ka waramay Sheekh كرم زهدي oo su,aalo laga weydiiyey dilkii Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Anwar saadaat  wixii ka dhashay iyo markii uu xukunka yimid Madaxweynihii xukunka ay ka tuureen kooxihii Kacdoonka Maxamed Xusni Mubaarak.

Sheekh Karam Al-Zuhdi ayaa waxaa kale oo uu ka waramay muraajacaadkii ay sameysay kooxdiisa xiligii ay ku jireen xabsiga waxaana uu cadeeyey in ay dib uga laabteen afkaar badan ka dib markay u cadaatay in ay khilaafsan tahay Shareecada Islaamka waxaana ka mid ahaa hadaladiisa.

المراجعات هي أهم وأفضل القرارات التي اتخذتها الجماعة الإسلامية في مطلع هذا القرن.. لأنها رَجْعة إلى الله تعالى بالرؤية الشرعية السليمة والنظرة الواقعية المتوازنة.. وهى تصحيح للمفاهيم وإثبات لصدق النوايا فيما قامت به الجماعة من أحداث.

فعندما تبين لنا الخطأ في أي مسألة شرعية تراجعنا عنه وأعلنا ذلك على الجميع بكل شجاعة وشفافية.. ونتمنى أن تنتهج جميع التيارات والانتماءات الفكرية هذا النهج الحيوي البناء التقدمي.. من نقد الذات والمراجعة الدائمة وتصحيح الأخطاء.. حتى تصب جميع الجهود في المسار الصحيح وفى مصلحة الوطن والأمة

Sheekh Karam Zuhdi ayaa waxaa kale oo la weydiiyey  rag ka tirsanaa Jamaaca Islaamiya oo ka hor yimid Muraajacaadka waxaana uu sheegay in ay caadi tahay in kooxkasta ama nidaamkasta ay dadku kala afkaar duwanaan karaan wax dhib ahna aysan lahayn .

Sheekh كرم زهدي ayaa mar wax laga weydiiyey dilkii Madaxweynihii hore ee Awar Saadaat waxaa uu sheegay in dilkiisa uu ahaa mid khalad ah wuxuuna sheegay ín hadii ay awoodaan ay baajin lahaayeen dilkiisa isaga oo qiray in uu dhaamay  anwar Sadaat Maxamed Xusni Mubaarak. waxaana uu Yiri.

ألا ترى أن الرئيس السادات من أفضل الرؤساء الذين قادوا مصر في العصر الحديث إذا قورن بمبارك؟ نعم.. هذا صحيح.. وأوافقك تماماً في هذا الرأي.. هو أفضل من مبارك بكثير جداً.

Waxaa kale oo wareysiga Sheekh Karam Zuhdi lagu weydiiyey bal sida uu u arko Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Al-Murzi waxaana uu sheegay in Murzi uu yahay Madaxweyne isku darsaday karti aqoon taas oo ay u qireen dad masaarida ah waxaana uu soo ceshay karaamadii iyo heybadii ay lahayd dowlada Masar waxaana hadaladiisa ka mid ahaa.

كيف تُقيم الرئيس مُرسى حتى الآن؟

هو على درب الصادقين.. نحسبه كذلك ولا نزكيه على الله.. وعلى طريق الحكام العاملين بالحق.. وقد شهدت له مواقفه وقراراته وجولاته وإمكانياته ومواهبه التي ظهرت وتفجرت بمجرد تحمله المسئولية بأنه جدير بهذا المنصب الكبير والخطير.. ولسنا وحدنا كإسلاميين أو حتى كمصريين من يقول ذلك تعصباً له.. وقد شهد للدكتور مرسى بالكفاءة والتمرس السياسي والحنكة والتعامل مع المواقف الكبيرة بروية وحزم وحسم، الكثيرون، إسلاميون وغير إسلاميين.. مصريون وغير مصريين.. ونال تقدير كثير من الشخصيات السياسية البارزة ورفع اسم مصر وأعاد إليها بعض ما فقدته من احترام على المستوى الدولي.. وأصبح في فترة وجيزة حديث وسائل الإعلام المحلية والعالمية

Sheekh Karam Zuhdi ayaa waxaa kaloo wax laga weydiiyey Fikirka Takfiirka ee ka dhex muuqda saxwada Islaamka waxaana uu yiri Fikirka Takfiirka waa fitno aad u weyn oo ku habsatay Muslimiinta ka dib markii ay dhexdhexeysan waayeen taasna waxay khatar ku tahay Masar iyo caalamka Islaamka waa in dhalinyarada loo wacyi galiyaa wadada ugu sahlan howshaasna ay qabtaan rag khibrad u leh toosinta saxwada Islaamiga ee caalamka ka jirta .Sheekh Karam Zuhdi ayaa waxaa uu intaas sii raaciyey qofka marka ay soo wajahdo xaalad tabar dari ee dhinaca siyaasada ah waxaa ku soo maaxda waa in uu gaaleysiiyo ama diinta iyo caqiidadiisa uu tuhmo qofka ka soo horjeeda ee ka aragtida duwan.

ما رأيك في انتشار الفكر التكفيري داخل العمل السياسي؟

هذه من الفتن الكبيرة.. وهي من أكبر المحن التي لحقت بالمسلمين والفكر الإسلامي..وغياب الوسطية الإسلامية خطر كبير على مصر والحركة الإسلامية.

لذلك نطالب بترشيد الخطاب السياسي بفصل الخطاب الدعوى عنه.. وترشيد حضور الدعاة في الميدان السياسي.. وأن تكون الساحة لذوى الخبرة والمؤهلات والإمكانيات والتجارب الممتدة من الإسلاميين وغير الإسلاميين.. لأن الطريق الأسْهل هو استخدام الخطاب التكفيري وتكفير وتفسيق الآخر المخالف.. إذا وجد أحدُهم نفسَه في موقف ضعيف سياسياً.فالمخرج أمامه هو التكفير واتهام الآخر في دينه وعقيدته.. وربما استخدم الإسلاميون هذا السلاح ضد بعضهم البعض.. باستخدام التأويلات المختلفة للمسألة الواحدة.. ونتوقع حدوث ذلك لا قدر الله إذا سارت الأمور على هذا المنوال نحو الانحدار والانقسام والتشرذم.

Sheekh كرم زهدي ayaa waxaa sidoo kale la weydiiyey dagaalo ka dhacay magaalada Siinaa ee dalka Masar ka dib markii la laayey askar ka tirsan dowlada Masar iyo xalka wax uu u arko Sheekha ayaa sheegay in xalka uu yahay in wadahadal iyo dood lala furo dhalinyarada hubka sidata dowladana ay iska ilaaliso dulmiga.

Gabagabadii wareysiga ayaa waxaa la weydiiyey Sheekh كرم زهدي  oo ahaa Gudoomiyihii Majliska Shuurcaa ee Jamaaca Islaamiya Al-Masriya in ay dib ugu noqonayaan gacan ka hadalkii hubeysnaa oo ay kula jireen dowlada Masar  waxaana uu sheeegay in aysan taas dhici doonin madaama ay is badashay dowladii Masar iyo baraarugii shacabka Masar.

Sheekh كرم زهدي ayaa waxaa uu ku jiray xabsiga dalka Masar mudo dhan 22 sano isaga oo lagu eedeeyey in uu qeyb ku lahaa dilkii Madaxweynihii hore ee dalka Masar Anwar Sadaat.

Halkan ka Akhriso Wareysigii lala yeeshay Sheekh كرم زهدي oo dhameystirsan

C/casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc
    Aad ayaad ugu mahadsan tihiin waraysigan qiimiga badan ee aad noo soo gudbiseen xilli aynu aad ugu baahanahay oo aynu ku jiro tii ay masar marayse badhtamihii qarnigii hore. aad bay u fiican tahay in ay akhristaan qoladan rabta in ay tijaabiso wado kuwii ka horeeyey ay ku jabeen. waxaan allaah weydiisanayaa in uu shabaab wafajiyo dariiqa dhexdhexaadka kuna hanuuniyo wadadii jamaaca islamiyah.

    wsc

  2. mashaa alaah waa waraysi qayim ah waxaanse kasiijeclaysanlahaa hadii lahelikaro waraysigoo maqal iyo muuqaal ah walalaha halgan jazaakumulaahu khayraa

Leave a comment

*