Wasiirka amniga ee Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso(Dhageyso)

December 5, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wasiirka amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa goordhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaana uu ka hadlay iska horimaad xalay ka dhacay deegaanka Sugure ee gobalka Bari kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Al-Shabaab.

Wasiirka amniga Dawlada Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay soo qaadeen Ururka Al-Shabaab waxaana uu sheegay in ay ka dileen 7 ka mid ah kooxda Al-Shabaab ayna ka dhaawacmeen 12 kale wuxuuna sheegay in ay hub badan ka furteen Ururka Al-Shabaab sida uu sheegtay.
Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa waxaa uu saxaafada u soo bandhiga ilaa 4 ka mid ah maydadka Kooxda Al-shabaab ee Buuraha Golis kuwaas oo ku dhintay dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Sugure . Wasiirka Amniga ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jirto khasaaro soo gaaray gaari ay wateen ciidanka Daraawiishta kaas oo ay miino ku qaraxday isaga oo maraya wadada isku xirta Boosaaso iyo Sugure waxaana ku dhintay ilaa 10 askari.

Ciidamada Daraawiishta ee Puntland ayaa haatan ku sugan dhamaan deegaanadii ay dagaalada ka dhaceen xalay sida uu noo xaqiijiyey wariye madaxbanaan oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaana dib ugu laabtay Buuraha kooxihii ka tirsanaa al-Shabaab ee xalay weeraray deegaanka Sugure.

Dhanka kale Ururka Al-Shabaab ayaa bogooda Twitterka waxay ku sheegeen in iyagu ay weerarka ku qaadeen  togga Sugurre ay dileen 12 ka tirsan ciidanka Puntland.

[audio:https://halgan.net/Mp3/Khaliif.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online