Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga DFS oo gaaray magaalada Marka

December 2, 2012 - Written by

Marka:-Wafdi uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray Degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeelaha Hoose waxaana kormeerkiisa ku weheliyey wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Garsoorka C/laahi Abyan Nuur ,xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga wasiirka arimaha gudaha ee DFS Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu ku sii hakaday inta uusan gaarin Degmada Marka tuulooyin ku dhow waxaana uu la kulmay dadweyne kala duwan ,Socdaalka wasiirka iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa lagu sheegay in uu salka ku hayo soo xalinta khilaaf ka dhex aloosan maamulka Degmada Marka ee DFS kuwaas oo dhowr mar ay ciidamo ka tirsan dowlada ay ku dagaalameen.

Sidoo kale socdaalkan ayaa salka ku haya sidii loo qaadi lahaa isbaaroonika daadsan Muqdisho ilaa Marka kuwaas oo ay aad uga cawdeen dadweyna iyo darawalada ka dhaqeeya inta u dhexeysa Marka ilaa Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online