Wasiirka G/dhiga ee DFS oo gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe

December 10, 2012 - Written by

Jowhar:-Wasiirka G/dhiga DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil sare oo ka tirsan DFS iyo AMISOM ayaa goordhow gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe oo ay shalay la wareegeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa sidoo kale socdaalkiisa ku weheliyey taliyaha ciidanka xooga ee DFS  Jen C/qaadir  Sheekh Cali Diini  iyo saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM wasiirka G/dhiga ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta booqdo Degmada Jowhar xili ay gacanta ku hayaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM

Wasiirka G/dhiga ee DFSC/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ayaa sheegay in dowlada ay dajisay qorshe ay kula wareegeyso dhamaan Shabeellada dhexe iyo Hiiraan wuxuuna sheegay in ciidamda DFS iyo kuwa AMISOM ay u talaabi doonaan degmada Buulo-burte oo ka fogeyn Degmada Jowhar.

Magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellada dhexe ayaa aad loo adkeeyey amaankeeda inta uusan soo gaarin wafdiga uu horkacayo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxaana uu wasiirku kulamo la qaadan doonaa saraakiisha DFS iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Degmada Jowhar .

Dhinaca kale Ururka Al-Shabaab ayaa wacad ku maray sidoo kale in ay dib ula wareegi doonaan Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay waxayna sheegeen in ay xeelad dagaal uga saareen ciidamadooda si ay dagaal dheer oo dhiig bax ah ay ula galaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online