Wasiirka waxbarshada Puntland oo daahfuray Mashruuc ’Educatio is Light’

December 12, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta Wasiirka waxbarshada dowllada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa uu daahfuray Mashruuc dhinac waxbarashada ah oo loogu magacdaray Iftiin ‘’Educatio is Light’’ oo ay maalgalinayso Midowga Yurub iyadoo hirgelinta mashruucaana ay iska kaashanayaan wasaarada waxbarashada Puntlland iyo Hay,adda Care International. Midowga Yurub ayaa waxaa ay mashruucaan ay ku bixiyeen ilaa 7.5 milyan oo lacagta yurub ah(EURO) waan mashruuc socon doona ilaa mudo saddex sano.

Xaflada lagu daahfurayey mashruucaan Educatio is Light ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntlland , wasiirka waxbarshada Cabdi Faarax Siciid Juxa ,aqoonyahano iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarshada.

Wasiirka waxbarshada dowllada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo ka hadlay xaflada daahfurka ah ayaa sheegay in Midowga Yurub uu mashruucaan ugu deeqay Waxbarshada Puntlland wasaaraduna ay dejisay qorshihii ay arday badan uga faa’iidaysan lahaayeen.

Wasiirka waxbarshada dowllada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa dhawaan safari ku kala bixiyey Gobolka Karkaar, Haylaan, Gobolka Sanaag iyo Gobolka Bari isagoo kormeer ku soo maray iskuulo iyo goob waxbarasho una balan qaaday in wasaaradiisu ay wax ka qaban doonto cabshooyinka ka imaanaya xarumaha waxbarshada. 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online