Wasiirkii hore ee amniga ee Puntlland Gen.C/llaahi Siciid Samanter dib ugu soo laabtay Boosaaso

December 6, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter oo ay horay u soo raaceen odayaal uu ka mid yahay  yahay Maxamed Cumar Dhigic Dhigic ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Wafdiga la socda Wasiirkii hore ee amniga dowllada Puntlland Gen. Siciid Samatar ayaa waxaa ay iska soo raaceen magaalada Dubai oo ay ku yeesheen shirar kale duwan, Odayaashaan ayaa ah siyaasiyiin  ku soo jiray siyaasada dalka Soomaaliya waxaan la sheegayaa in odayaashu ay u kala dabqaadi doonaa madaxwey naha Puntlland Dr.Cabdi raxmaan Faroole iyo Gen .Siciid  Samatar iyo rag kale oo siyaasiyiin ah oo iyagu doonaya in xukunka talada Puntlland ay qabtaan.

Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter iyo odayaasha la socday ayaa waxaa loo galbiyey guriga uu ka degan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Socdaalka uu manta ku yimid magaalada Boosaaso Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa ku soo beegmaysa xili uu magaalada Boosaaso ku sugan yahaya Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

Wasiirkii hore ee amniga ee Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa ku celiyey in uusan aqoonsanaynay baarlamaanka Puntlland oo uu waqtigoodu dhamaaday , dowllada hadda uu madaxweynaha ka yahayna Dr. Cabdiraxmaan Faroole uu waqtigeedu ku eg yahay 7.1.2013 loona baahan yahay waqtigaas ka dib in la qabto doorasho xor ah, Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen. C/llaahi Siciid Samanter ayaa ku celceliyey in uusan  doonayna in uu qalalaaso siyaasadeed ka abuuro  Puntlland uuna yahay raggii wax ka dhisay uusana marna aqbali karin in uu isagu uu ka shaqeeyo burburkeeda.

Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa baaq u jeediyey Isimada Puntlland isagoo ugu baaqay in ay wax ka qabtaan is afgaran waaga ka dhexeeya Musharaxiinta u taagan tartanka xilka Madaxweynanimada iyo dowllada Puntlland  si loo badbaadiyo burbur  iyo khalkhal ku yimaado jiritaanka Puntlland.

Warar hoose ayaa sheegay in Wasiirkii hore ee amniga ee dowllada Puntlland Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter iyo odayaasha la socda ay dhici karto in ay dhexdhexaadin ka dhex bilaabaan  Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr C/raxmaan Faroole iyo siyaasiyiinta u taagan tartanka xilka  Madaxweynanimada Puntland  si ay iskula meel dhigaan khilaafka ka dhex aloosan ee ku saabsan waqtiga u harsan dowllada iyo baarlamaanka Puntlland.

 

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2012
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online